Total Pageviews

Saturday 28 November 2015

Astaan la'aanta Asteysan

Xarumaha Dowladda, Hoteellada iyo waddooyinka Muqdisho waxaan ku arkaa baabuur aan summad lahayn oo u badan baabuurta afarta shaag uu mid waliba iskiis u dhaqaaqo 4x4.

Baabuurta noocaas ah waxaa la iigu macneeyay in qaar badan ay Dowladdu leedahay, siiba hey’adaha amniga iyo madaxda. Waxay doonayaan in aan la garan oo aan la bartilmaameedsan iyo in aan laga feejignaan. Baabuurtaas qaarkood waa dulbannaan. waxanaa fuushan ciidan dhar askareed lebbisan oo sita qoryo muuqda.

Arrintaasi waxay igu dhalisay su’aalo iyo feker badan. Waxaan is weydiiyay arrintani ujeeddadii laga lahaa ma fulineysaa oo hadda ma qarsoon yihiin baabuurtaasi? Maxay arrintani u dhimi kartaa kalsoonida shacabka? Mise jirtaa si sidaan ka habboon oo ujeeddada loo gaari karo?

Su'aalahaas iyo jawaabahaooda ayaan kor uga fekerayaa si aad u akhrisato, u deristo, u rogrogto, talana aad ugu darsato.

Waa marka horee baabuur summad la’aan magaalada dhex mari kara waa la garan karaa in ay Dowladdu leedahay.

Marka labaad, dalku isaga oo luudaya ayuu si aad u socod gaaban wuxuu uga sii baxayaa fowdo iyo Dowlad la’aan. Xilliga aan ka gudbeyno baabuurtu ma lahayn astaan maaddaama aanay jirin hey’ad bixisa iyo mid daba gal ku sameysa. Hadda in baabuur summad la’aan ah lagu arko magaalada caasimadda ah, waxay dadka ka indhasaabi kartaa horumarka gaabiska ah ee socda.

Midda kale summad la’aantu waxay keeni kartaa wixii loogu talo galay cagsigeed. Haddii baabuurta kale oo dhan ay leeyihiin summad, midkii aan summad lahayn waxay summad la’aantu ku noqoneysaa astaan u gaar ah oo lagu garto.

Dhibka kale ee imaan kara wuxuu yahay in haddii aan gaariga astaanta lahayn uu  galo khalad xagga dembiyada waddooyinka ah sida haddii uu qof ama gaari kale uu wax yeelo in aan la aqoon si loo daba galo. Haddii ay adeegsadaan qoryaha ay ku raran yihiinna waa mid ka sii daran.

Waxaan is leeyahay waa la heli karaa hab kaas ka ammaan iyo asturaad badan haddii maskaxda laga shaqeysiiyo.

Marka hore waa in hey'adaha amnigu ay dejiyaan baabuurka summad la'aan in uu socdo loo oggol yahay, sababta iyo cidda awood u leh in ay baabuur aan astaan lahayn waddada ku sii deyso.

Shaki badan iigama jiro in ay taasi soo koobi lahayd tirada baabuurta aan summadda lahayn ee waddada saaran. Ka dibna waxaa loo baahan yahay in xal loo helo summad la'aanta.

Waxay noqon kartaa in gaawaarida howlaha xasaasiga ah ee amni ku jira iyo kuwa kale ee hadda socda summad la’aantu ay adeegsadaan summado kala duwan oo loo beddelo si ku soo bood ah oo aan ku saleysneyn kaltan la odorosi karo. Summadahaasina waa in ay ahaadaan kuwa hey’adaha amniga keliya u diiwaan gashan.

Arrintaasi waxay marin habaabin kartaa qofkii raba in uu asteysto baabuurta. Dhanka kalena waxay sahleysaa in haddii loo baahdo hey’adaha amniga dhexdoodu ay soo qaban karaan baabuurkii wadihiisa ama ciidanka saarani ay geystaan fal dembiyeed.

Ma ahan arrintani mid aan ugu talo galay in lagu xannibo askarta, saraakiisha iyo mudanayaasha amniga ka shaqeyeeya. Waa mid ay ujeeddadiisu tahay in amniga laga shaqeeyo, bulshadu ay kalsooni hesho, qofka amniga ka shaqeynayaana uu sharciga ula sinnaado bulshada inteeda kale. 

8 comments:

  1. Mahadsanid Yuusuf!
    Aniga waan garan karaa arrinkaad ka hadleeyso oo mar aan fogeyn ayaan tagay qofki dhax joogana iiga sii xog ogaalsanba. Waxaan kaaga ra'yi duwanahay laakiin anigu ma qabo in xilligaan la sumadeeyo gaadiidka ay isticmaalaan masuuliyiinta dowlada ama xitaa la yiraa waa loo kala badbadalaa.

    Waxaan ognahay inuu jiro cadaw aan waxba u aaba yeeleynin oo aanan deyneynin xitaa shaqaalaha shibilka ah ee kaalinta ugu hooseysa ku Jira. Waa dhagar qabayaal shar badan oona laga yaabo ineey guriga kugula nool yihiin qaarkood. Si kastoo xogo ay ku heli karaan ayeey sameeyaan weeyna helaan. Haddii baabuurta dowlada taariko haloo yeelo la yiraahdo, waxaa cad ineey sahleeyso shirqoolada ay maleegayaan. Umana baahanayaan ineey telefoon ku hagto cid kale sida haddeer. Gaadiidka Hotel Jaziira ku hoydo waa tirsamaa, ragga qaatana waa la yaqaan. Haddeey 10 ama 8,da ku hoyato hoteelkaas la helo nambaradooda, si doontaba u badaloo intuba waa wada bartilmaameedka jid iyo jahadiidka.

    Hadalkeeygu waa lammo iyo le'ed. Waxaan kusoo gunaanaday ARRAD WAA DAN.

    ReplyDelete
  2. Aniga waxay ila tahay, gaari aan sumadlahayn , in ay adeegsadaan laamaha amnigu , waxay liddi ama is hortaag Ku tahay ,laba arin mid waa amniga , midna waa sharciga ? Waayo gaariga aan sumada lahayn waa taarget waxaana beegsankarta cidkasta ee caqabad dhextiilay ama dagaal kala dhexeeyo laamaha amniga, xaga sharciga waxbadan , ayuu horseedikaraa , iyo dhaqaale xumo waayo gaari aan sumadlahayn micneheedu cànshuur lagama qaadin

    ReplyDelete
  3. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  4. Ka warrama hadduu uu Duulka laftiisu summad la'aan iskasoo dhigo istaafne soo saarto, yaa ku dhaca markaas inuu koontarool istaajiyo, kaddibne uu meeshuu rabo tago, Summad la'aan ayaan isku ilaalin waa caqli dabageddisam.

    ReplyDelete
  5. yuusuf toosh ku tiira dheere. waad mahad san tahay, waa waxaaan layaabanaay mudo. waxaa dheer kuwo summaddii oo dhanka kale looragay ku xiran tahay, waxaan ku qiyaasay waali fayoobi loohaysto, maskaxdii lugu fahmi lahaana ay wax kale ka fakarayso.

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid yuusuf garaad waa xaqiiq waana wax lawada ogyahey qormadaani lkn su'aashu waa maxaa ula'nahey kalsooni?

    ReplyDelete
  7. Yusuf, wararka aan miisaaneyn mooye ma isweydisay horta yaa meesha ka shaqeeya. War waa dhallinyaradii dagaalka sokeeye ku garaadsatay ee Idaacadaha Qabiilka ka shaqeyn jiray. Waxaana madax u ah, Afhayenki qoladdii bamba tuurka aheyd ee qabiilka diinta huwan ku dagaal gashay. Waxa ay Hay'adaasi u baahan tahay dib-u-habeyn weyn. Waana Hay'ad kaalin mug leh ka qaadan karto qaboojinta colaadaha.

    ReplyDelete
  8. Mahadsanid Yusuf garaad cumar

    ReplyDelete