Total Pageviews

Monday 9 November 2015

Buug ku saabsan Soomaaliya 1941 - 1969


Bishaan aakhirkeeda waxaa soo baxaya buug taariikh ah oo uu magaciisu yahay "Somalia Untold Story, 1941 - 1969". Waxaa qoray Maxamed Trunji.

Buugga oo ka kooban 608 bog, waxaa daabacday Looh Press. Sida cinwaankiisa ka muuqata, buuggu wuxuu soo bandhigi doonaa taariikh Soomaaliyeed oo aan hore loo shaacin oo dhacday intii u dhaxaysay 1941 – 1969.

Waxaan akhriyay qoraal hordhac ah oo buugga ku saabsan. Qoraaga buuggana waxaan fursad u helay in aan bishii July kula qadeeyo London, markaas oo uu xoogaa yar iiga taabtay buugga. Qormadani waxay ku saleysan tahay qoraalka hordhaca ah, kulanka qadada iyo aqoonta kooban ee aan u leeyahy qoraaga.


Sannadihii 1941 - 1969 waa xilli muhiim ah oo aad u saameeyay Soomaaliya iyo in kaleba, wiixii markaa ka dambeyay. Qoraagu wuxuu muddadaas u qeybiyay saddex xilli oo saddex maamul oo kala duwani ay dalka ka jireen. Muddo uu dalku ku jiray maamul militeriga Ingiriiska, muddo uu dalku ahaa Maxmiyad Qarammada Midoobay iyo muddo uu dalku lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo rayid ah.

Qoraagu wuxuu ku tilmaamay in saddexdaa xilli ay saameyn ku yeesheen dalka iyo weliba dadka Soomaaliyeed.

Taariikhda xilligaas muhiimka ah wax badan lagama qorin. Inta ka qoranna waa qoraallo ajnebi diyaariyay. Waa xilli loo baahnaa in wax badan laga ogaado, oo weliba aan ka maqalno aqoonhayan Soomaaliyeed. Isaga oo arrintaa muujinaya wuxuu qoraaga buuggani ku tilmaamay in jiilal dhan oo Soomaali ahi ay korayaan iyaga oo aan aqoon taariikhdooda iyo hiddahooda marka laga reebo mid sawir gurracan ka bixineysa dadkooda iyo dalkooda.

Buuggani ma soo wada qaadayo dhacdooyinkii xilliga uu ku saabsan yahay dhammantood, wuxuuse culeyska saarayaa isbeddelladii siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee dalka ka dhacay xilligaas.

Baaritaankani wuxuu eegayaa doodihii dhaadheeraa ee aadka u cuslaa ee ka dhacay Qaramada Midoobay, isaga oo si gooniya diiradda u saaraya mowqifyadii is diiddanaa ee Afarta Quwadood oo isku af garan waayay in ay isla meel dhigaan waxa laga yeelayo mustacmaradihii Talyaanigu uu dagaalkii labaad ka hor ka talinayay ee ku yaalla qaaradda Afrika. Waxaa go’aanka mowduucaas loo gudbiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si uu uga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Cutub dhan oo buugga ah waxaa uu ka hadlayaa soo ifbixii dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ugu horreeyay dalka iyo tartankoodii aan naxariista lahayn ee ay u galeen in ay shiiqiyaan masraxa siyaasadda, taas oo mararka qaar keeni jirtay isku dhac uu dhiig ku daato.

Taariikhdan muhiimka ah marka aad akhriso, waxaa kuu fududaanaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in aad wax ka aragto dhinacyo badan oo kala duwan. Waxaa kuu fududaaneysa in aad si miisaaman u falanqeysid waxyaabihii dhacay xilligaas iyo saameynta ay dadkeenna iyo dalkeenna ku leeyihiin ilaa maanta. Weliba falanqeyntaasi waxay noqoneysaa mid ka reebban caaddifad ama ay ku yar tahay, maaddaama sidii ay berigaas wax u dhacayeen aanad hadda waxba ka qaban karin.

Dabcan haddii aad si wanaagsan u fahamto sababaha ay u dhaceen wixii dhacay, waxay kuu bidhaamin kartaa fahamka waxa hadda socda iyo sidii aad ula falgeli lahayd.

Waxaan rajeynayaa in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo xilliyadaa shaqeeynayay iyo qaar xilliyadii ka dambeeyay shaqeynayayba ay qoraallo ka sameeyaan dhacdooyinka soo maray, sida ay ayagu wax u arkayeen, go’aammada ay qaateen, sababta iyo wixii ka dhashay.


Qoraaga Buugga 


Mohamed Trunji, qoraaga buuggani wuxuu ku dhashay Beledweyne. Ka dib markii uu Dugsi Sare ka baxay ayay 1962 Wasaaradda Waxbarashadu u qaadatay macallin. Laba sano ka dib wuxuu ku biiray shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday turjubaan. Baarlamaanka waxaa xilligaas lagu hadli jiray af Soomaali laakiin waxaa doodaha baarlamaanka ka dhaca lagu tarjumi jiray af qalaad si loo diwaan geliyo. Xilkaas wuxuu hayay ilaa la gaaray 1969.

Wuxuu ka qalin jebiyay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ka dibna wuxuu 1972 ku biiray Wasaaradda Garsoorka asaga oo noqday Garsoore ilaa la gaaray 1980.

Sannadkii 1981 ayuu Jaamacadda UCL ee London uu ka qaatay Diploma ku saabsan qaanuunka badaha. Wuxuu markaa xubin ka noqday ergada Soomaalida ee Shir Qaramada Midoobay oo sannadle ahaa oo ku saabsan sharciga badaha oo lagu qabtay Geneva, New York iyo Kingston oo ah Jamaica. Shirkaasi wuxuu dhalay in 1982 uu soo baxo oo la hirgeliyo Axdiga Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha.

Maxamed Trunji waxaa sannadkii 1983 lagu xoojiyay Hey’adda Qaxootiga Qaranka, wuxuuna madax u noqday Guddiga qaabbilsan qofka ay Soomaaliya Qaxootinnimo u aqoonsanayso. Soomaali badani waxay aragtay Soomaali magangelyo doon ah oo loo aqoonsanayo qaxooti ama loo diidayo, laakiin ma ogeyd in Soomaaliya ay iyadu lahaan jirtay xafiis aqoonsada qaxootiga dalkeeda soo gala? Ilaa 1991 ayuu Maxamed xilkaas hayay.

1992 ilaa 2005 wuxuu ahaa sarkaal sare oo qaabbilsan xafidaadda Qaxootiga oo ka tirsan hey’adda Qaxootiga ee Qarammada Midoobay UNHCR, wuxuuna ka shaqeeyay dalalka Iran, Iraq, Sudan, Ethiopia iyo Zambia.

2005 markii uu shaqada ka fariistay, wuxuu galay Jaamacad isaga oo baranaya Qanuunka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Master ayuu maaddadaa uga qaatay Jaamacadda Essex ee UK sannadkii 2006. Buuggiisa qalin jebinta wuxuu ka qoray Maxkamadeynta [dadka geystay] xadgudubyo xuquuqul Insaanka oo hore u dhacay, taas oo ah mowduuc xiriir dhow la leh waxa Soomaaliya ka dhacayay soddonkii sano ee ugu dambeeyay. Qoraagu wuxuu hadda ku nool yahay London.

Maxamed Trunji, waa aqoonyahan khabiir ah oo af gaaban oo dhacdooyin badan u soo joogay, haddana sameeyay baaritaan qoto dheer. Waxaan rajeynayaa in buuggiisa laga baran doono wax badan, isla markaasna uu dhalin doono doodo iyo lafa-gur ku saabsan go’aammadii xasaasiga ahaa ee xilliyadaas dhacayay. Dooduhu waxaa kale oo ay ku saabsanaan karaan go’aammadii beryahaas la qaatay hadday ahaan lahaayeen qaar ka duwan kuwii berigaa,s waxa laga yaabo in ay dhici kari lahaayeen. Waxaa kale oo aan rajeynayaa in aan ka baranno waxa sababay in dadweynaha Soomaaliyeed ee geeska Afrika ay ku kala qeybsan yihiin dalal kala duwan.  Sababta ma Soomaali baa leh mise duul kale?

43 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad qoraalka wada akhrisay. Fadlan aragtidaada ku reeb isla boggan, maaddaama lifaaqa laga soo gelayo dhinacyo kala duwan.

    ReplyDelete
  2. waiting for the book in sha allah.
    want to know much about the said history of which much of it i heard verbally.

    ReplyDelete
  3. Thanks mudane yusuf runtii waa buug muhiim ah bro waiting

    ReplyDelete
  4. Aad ban u sugaya buugas. Merci beaucoup mon cher ami Youssouf Garad

    ReplyDelete
  5. Runtii waa loo baahnaa qoraalo nuucaan ah.

    waxaanse sugi la'ahay qoraalo xog ku salaysan oo laga qoro 'dagaalkii 1977' bilowgii dhamaadka dawladnimada Somalia. Xuduudii Somalidii israacday 1960 miyaa la difaacayay, mise dhul dheeraad ah ayaan doonaynay, mise-sida ku tiri ku teento sheegayso-wabiga nile, qaybta Masar aada ayaanu difaacaynah!?


    ReplyDelete
  6. Sida ka muuqata CVga qoraaga, buugu wax badan ayuu xambaarsanyahay marka waa qasab in laga faaiideysto.

    ReplyDelete
  7. Sida ka muuqata CVga qoraaga, buugu wax badan ayuu xambaarsanyahay marka waa qasab in laga faaiideysto.

    ReplyDelete
  8. Waxaan rajeynayaa in loo bedelo afkeena si dad badan uga faa'iidestaan.
    Mahadsanid Garaad

    ReplyDelete
  9. Yusuf waad ku mahadsantahay faallada iyo macluumaadka aad nasoo gaarsiisay. Wax aad u fiican waaye in taariikhda la diiwaangeliyo si faca xiga uu uga war hayo tagtada dalkiisa. Se waxaan is weydiinayaa qof Soomaali ah oon af Ingiriisi aqoon buuggan waxa uu u tari karo hadda haddaan afkiisa hooyo loo rogin.

    ReplyDelete
  10. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  11. Aad ayaa kaaga mahadcelinaaa qaabka aad nuugu soo gudbisay. Haddana waxaa sugnaa waa Booka.
    Mahadsanid Mudane Garad markale.

    ReplyDelete
  12. Yusuf Garaad, book Luuqaddee ku qoran yahay?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Af Ingiriis ayuu ku qoran yahay.

      Delete
    2. waxay ila thy inay wanaagsan thy in afkayaga loo turjumo bugani si loowada arko waxa ku qarsan

      Delete
  13. Waxan filayaa tariikhda inay noolayeen umad somaliyeed oo aan la mustawe iyo fikir ahayn kuwan manta joogo 5 somaliyeed midaynteed ayay Manka ku hayeen inkastoo caqabadii himilada soo afmeeray ay ka kow ahayd cadalad ay kala wayeen labadii midobay tasoo sawirka murugada leh horseeday wan jeclaan laa inan buuga akhriyo oo anan ka hordhicin waxa ku duugan mahadsanid

    ReplyDelete
  14. Waxan filayaa tariikhda inay noolayeen umad somaliyeed oo aan la mustawe iyo fikir ahayn kuwan manta joogo 5 somaliyeed midaynteed ayay Manka ku hayeen inkastoo caqabadii himilada soo afmeeray ay ka kow ahayd cadalad ay kala wayeen labadii midobay tasoo sawirka murugada leh horseeday wan jeclaan laa inan buuga akhriyo oo anan ka hordhicin waxa ku duugan mahadsanid

    ReplyDelete
  15. Waxaan ka mid ahay dadka aadka ugu liita dhacdooyin taariikheedka Soomaaliya & Soomaalidaba soo maray waxaan se jeclahay inaan wax ka ogaado. Meelaha laga heli karo buugga ma ogaan karnaa . aadbaad yusuf garaad u mahadsantahay.

    ReplyDelete
  16. Waiting for the book
    Markuu soo baxo mudane
    Meelaha laga iibsani karo noo soo sheeg

    Mahsanid

    ReplyDelete
  17. Waiting for the book
    Markuu soo baxo mudane
    Meelaha laga iibsani karo noo soo sheeg

    Mahsanid

    ReplyDelete
  18. wan sugeynaa buugaas cusub insha allah

    ReplyDelete
  19. Yusuf Garad,, Buugga, qoraagu qoray ma farsoomaalig ayuu ku qoraan yahay, mise Ingilsh?,,

    ReplyDelete
  20. hordhaca buuga iyo tafaasiisha aad oa bixisay qoraaga shaqsiyadiisu way isu qalmaan, Yusuf maku gadan karaa buuga ONLINE marka uu soo baxo ? Hadii lagu gadan karo se fadlan xog dheerada ... Thanks !

    ReplyDelete
  21. Waa buuk muhiim ah bulsho badan wax ka faidi donto runtii aniga aya ugu horoya qof an oqoon tariqda saxda ah e somaliya waxaan rajeyna in bugan badbado u noqdo bulsho badan oo somaliyed

    ReplyDelete
  22. Mahada alle ayaaleh, kadibne soo saaraha iyo soo bandhigga ha Buuga qiimahan badda, waxaan Codsanayaa Halkee ka helli karaa Buugan waxaan jogaa Somalia

    ReplyDelete
  23. Mahada alle ayaaleh, kadibne soo saaraha iyo soo bandhigga ha Buuga qiimahan badda, waxaan Codsanayaa Halkee ka helli karaa Buugan waxaan jogaa Somalia

    ReplyDelete
  24. yusuf wad ku mahadsantahy qoraal kan buuga ad nagasiisay wan sugin inshaa alh khabiirkana waa inuu af somali ku bedelaa

    ReplyDelete
  25. yusuf wad ku mahadsantahy qoraal kan buuga ad nagasiisay wan sugin inshaa alh khabiirkana waa inuu af somali ku bedelaa

    ReplyDelete
  26. Yuusufoow mahadsanid.
    Doodi kama joogto go'aamo waahore la qaatay qayb weeym ku lee yihiin hannasnka siyaasiga ah ee caalamka. Garaadka soomasliduna wsxuu waxbafan la wadaagaa ummaddaha caalamka qarnigii tegey. Slave trsfe iyo gumeysiga ummadaha kake wacsy qayn ka yihiin raadadka ay reebtay graadka qaloocan qarnigii laga dhaxlay.
    Arinka mudan in aan si gaara u garano waa garashafa siyaadiga ah er ummadda Soomaaliyeed. Waa dhab Qaran qaabeeysan oo Soomasliyi ku midaysnayd kama horayn kifaackii gobonimo doonks loo galay. Dhul iyo dad Soomaaliya la yiraa waa jiri jiray saancada hortii mise ahayn mid hannasn siyaasi ah iskugu foran oo ummaddu qabaa'ilo oodwadaag ah syey ahayeen. Maqnaanshaha Qaran isku xira umma af, dhaqan iyo diin ka nmidaysan mar hadduusan jiran, waa u fududay gumsysiga var iyo kan madoow oo dunta isku xirtas ahayd diin inay kala qaybiyaan, iska horkeenaan oo kala xodxod taan qabiilada Soomaalida. Waana tan sababta u nowotay dhulka Soomaalida lakala qaubasado. Taariikhdu waxay xusaysaa in qayb Soomalida ja mid ahi bicisay dhulkeeda.. Waxaan rajaynaa in qoraagu Soo bandhigi doono dhavdooyin xaqiijinaya tuhunka aan qana.

    ReplyDelete
  27. Waad ku mahadsantahay Yuuduf soo bandhigista buuggan muhimka ah ee aanan kolaba anigu hore u arkin taariikhda uu xambaarsanyahay oo meel la iskugu keenay iyo weli aqoonyahan xog-ogaal ah qormadiisa. Keliya waxad noogu dartaa goobta laga heli karo. Mahadsanid

    ReplyDelete
  28. Aad baa u mahadsan tahay yuusuf garaad lakin kuma habooneyn in af qalaad lagu qoro aad baa loogu baahnaa isagoo ku turjuman afkeena hodanka ahaa insha Allah waa iga talo

    ReplyDelete
  29. Waa Buug muhiim u ah in Soomaalidu akhriso..

    ReplyDelete
  30. Waa buug muhiim ah ee online ma lagu iibsan karaa yaa og? Mahadsanid walaal Yusuf.

    ReplyDelete
  31. Yuusuf Aad baad ugu Mahadsantahay Sida Wanaagsan ee aad Hordhac Buugga Inuugu Sharaxday Waxaana Filayaa Inay Ka Faa'iidaysan Doonaana Dhalinyaro Badan oo Doonayso Inay Mustaqbalka Wadanka Wax Ka Noqdaan iyo Kuwa Iminka Taladda iyo Siyaasadda Dalka Kujirto Mahadsanid

    ReplyDelete
  32. Waa buug muhiim ah ee online ma lagu iibsan karaa yaa og? Mahadsanid walaal Yusuf.

    ReplyDelete
  33. Yuusuf mahad-sanid Way fiican tahay in dadka dhalinyarada loo soo bandhigo taariikhda dadka iyo dadka somaaliyeed lahaayeen laakiin waxa ka haboonayd in qoraagu wax ka qoro intii ka danbaysay 1969.kii iyo somaliya halkay gaadhay isagoo barbar-dhigaya halkay maanta taagan tahay iyo cida dhigtay gawaanta iyo habaaska ay dhex fadhido.

    ReplyDelete
  34. Maashaa Allah. Yusuf Garaad marka hore aad ayaan kuugu mahadcelinayaa maaddaamma buug aan aad u doon doonayay iigu sheegtay in Muqdisho laga heli karo, weliba aan la xiriiray Garaad Sabriye oo aan doonayo in aan hal koobbi ka qaato hadduu Alle idmo. Dhallinyarada waxaan leeyahay iibsada buugaagta ka hadlayo taariikhda dalkiina hooyo oo yaan leydinka sheekeeyn wixii dhacay hortiin maaddaamma dadka taariikha ka sheekeeyo qaarkood ay taariikhda uga sheekeeyaan sida ay jecelyiin oo qaarkood lagayaabo in waxbadan oo muhiim ah in aysan soo tebin. Waa mahadsantihiin. Waxaan ahay qoraa da'yar oo insha Allah aad maalin maalmaha kamid ah akhrisandoontaan buug uu qoray.

    ReplyDelete
  35. Yusuf lkn waxaan kaxumahay in buugu af ingriis ku qoranyahay illeen umada kafaa iideysan lahayd waa somaliye

    ReplyDelete
  36. Marka hore waan ku faraxsanahay taariikhdaas mugga wayn ee uu Qoraaga soo ban dhigay waana ku mahadsanyahay.

    Tankale Yusufoow kolay Ra'yi ahaan tayda waxan oran lahaa aabayaasheen iyo awoowayaasheen markay farta somaliga noo qorayeen waxay rabeen inaan cilmigeena,taariikhdeena iyo dhaqankena aan ku kaydsano wixii naga maqana uu salad noo noqdo,ee ma ahayn inaan xogteeno ku kaydino luuqado kale waan rajaynayaa inay gorowsan yihiin aqoonyahanadeena taas.

    Adigana mahadsanid.

    ReplyDelete
  37. Aad iyo aad ayaa u xiisenaya, wa Book wax yaabo bdn shaqsi ahaanteda iga caawin karo. Aad ayaa ugu mahadcelin Mohamed Turunji, iyo Yusuf oo na so garsiye. jazakallah salaam celekum

    ReplyDelete
  38. Masha allaah waa buug dhaxal gal ah oo lafdhabar ama udub dhexaad u ah taarikhda sooyaalka somaaliya waa buug qeexayo isbadaladii dalka uu soomaray mudane waxan ka dhaxalnay buug dhaxal gal u ah somaaliya magaca buug waa (dhaxal reebka dalka somaaliya)
    Mudane yuusuf garaarad illaahay haku xifdiyo aduun iyo aqiro guuleyso

    ReplyDelete