Total Pageviews

Sunday 29 November 2015

Tifatirka Wararka Gaalkacyood

Warbaahinta Qaranka - Radio Muqdisho, SNTV iyo Barta Internetka intaba waxaan mar kasta uga fadhinnaa in ay soo gudbiyaan warar na khuseeya, sugan, dheellitiran oo aan xag jirin.

Wararkaas xilliga loogu baahi badan yahay waa marka ay ku saabsan yihiin colaad.

Puntland iyo GalMudug wey u siman yihiin warbaaahinta Qaranka, iyaduna waa in ay taa xaqiijisaa.

Qiil ma ahan in labada dhinac midkood la heli kari waayay ama uu aqbali diiday in uu warramo. Warbaahinta Qaranka waxaa la gudboon in ay ogaato mowqifka dhinaca maqan soona bandhigto ama ay ku matasho su’aalaha ay weydiineyso dhinaca hadal oggol.

Haddii haba yaraatee la aqoon waayo mowqifka dhinaca maqan, isagana la waayo iyada oo dhab loo raadiyay ama uu diido ugu yaraan waa in sidaa la sheegaa.

Tifatirka

Tifatirka wararka noocaan ahi wuxuu u baahan yahay hufnaan, maskax furan, feejignaan, xog ogaalnimo, dhexdhexaadnimo, go’aan qaadasho iyo ku dhicid.

War kasta oo qof mas’uul ahi sii daayo ma ahan in sidiisa loo qaato. Waa in Tafitiruhu uu go’aan ka qaato warka uu mas’uulku dow u leeyahay in loo sii daayo iyo midka kale.

Tusaale ahaan, Madaxweynaha GalMudug ayuu Radio Muqdisho ka soo xigtay in uu ka warramay mowqifka GalMudug iyo weliba eedeyn uu u jeediyay Puntland. Wax ku jaban ma jiraan in intaas la sheego oo isaga laga soo xigto. Wuxuu warkaasi xalaal ahaanayaa haddii isla markaas ama saacadaha daba jooga Puntland la siiyo fursad taas u dhiganta.

Warbixin dheer oo Barta Internetka Radio Muqdisho uu ka qoray hadal uu jeediyay Madaxweynaha GalMudug oo aan u arkay warbixin aan qoraalkeeda farsamo ahaan si wanaagsan loo dhuujin ayaa waxaa ka mid ahaa erayada aan halkan hoose sidoodii ugu soo min guuriyay.

"Madaxweynaha [GalMudug] ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntiland ay ula dhaqantay R/wasaare Cumar C/rashiid."

Siddeed iyo tobankaa eray waxay igu dhaliyeen su’aalo dhowr ah oo aan is leeyahay haddii Radio Muqdisho uu is weydiin lahaa nooma soo bandhigeen erayadaas.

Madaxweynaha GalMudug sow labada dhinac oo is haya midkood ma aha? Maxaa kallifay in isaga laga soo xigto war ku saabsan wadahadal dhex maray dhinaca ay isaga is hayaan oo ah Puntland iyo Ra’iisal Wasaaraha Federaalka?

Miyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha Wafdigiisa ka maqalnay in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay? Xataa haddii ay dhacday in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, yeey tahay in aan ka maqalno ama ay soo weriyaan? 

Miyaan wafdiga la weydiin karin? Miyaan weriyayaasha goobjoogga ah la weydiin karin?

Miyaa Puntland wax laga weydiiyay sida ay u dheceen wadahadalladii Cadaado? Miyaa la weydiiyay in Ra’iisal Wasaaraha lagu xushmad darreeyay Cadaado iyo in kale?

Difaaca Radio Muqdisho

Dadka qaar waxay ku doodi karaan hadalka uu mas’uul kastaa sii daayo oo dhan ha la soo gudbiyo si aan u akhrinno mowqifka mas’uulka, aragtidiisa, mas’uuliyaddiisa iyo qofka uu yahay.

Taas waa marka ocd ama muuqaal laga duubay shir saxaafadeed ama khudbad la sii deynayo sidaasna loogu sheego dhegeystayaasha.

Laakiin marka ay idaacaddu war qoreyso wey ka duwan tahay. Tifatir ayaa noqonaya lama huraan.

Mas’uuliyad iyo aqoon waa in ay kaashadaan warbaahinta Qaranka iyo Warbaahin kasta, siiba xilliga colaadaha.

F. G. Wararka Radio Muqdisho si guud umaan qiimeyn. Waxa keliya oo aan ka faallooday hal war oo iga soo hor baxay. 

56 comments:

  1. Waan Kugu Raacsanahay Arrinkaa Isaga ah

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Waa sax inta uu ka hadlay madaxii hore ee BBC -da qaybteda afka somaliga

    ReplyDelete
  4. Yuusuf garad waa runta lakiin putland ama c/wali gaas ma ogalyahay inuu war siiyo sntv ama radio muqdisho jawaabtu gaas waa ninkii shirarka muqdisho afarta askar usoo ka xeesta qaranka soomaliya qabiil buu ku matalaa caadi iska dhig mahad sanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Gaandi bal kala cadee gaasa waxay is hayaan galmudug mise faderalka
      Kale macnee dowlad muqdisho iyo galmudug
      Kala saar hawiye iyo dowladda muqdisho iyo galmudug

      Delete
    2. @Gaandi Tafatirka warka iyo afarta askari xiriirka ka dhaxeeya bal noo sheeg, or that's throwaway comment

      Delete
    3. @Gaandi Tafatirka warka iyo afarta askari xiriirka ka dhaxeeya bal noo sheeg, or that's throwaway comment

      Delete
  5. Yuusuf garad waa runta lakiin putland ama c/wali gaas ma ogalyahay inuu war siiyo sntv ama radio muqdisho jawaabtu gaas waa ninkii shirarka muqdisho afarta askar usoo ka xeesta qaranka soomaliya qabiil buu ku matalaa caadi iska dhig mahad sanid

    ReplyDelete
  6. yusuf intas adnis weydisay dadka mada garan karan wayo waxaa laga yaba iney cilmi iyo khibrad ku filan aysan u leheen howsha ay qabanayaan. Marka waxaan is leeyahay malaha yusuf kaalin weyn ayaa uga banaan horumarinta hannaanka tebinta wararka..

    ReplyDelete
  7. Run ahaantii hada ma ahayn markaa arkay in war baahinta Qaranka in aysan dhex dhexaad ahayn ama idaacadda ama TV ga intaba taas na waxaa daliil u ah sidaa dheegtay habka loo soo tabiyo wararka. Tusaale: Doorashadi ka dhacday Cadaado waxaan ogayn in TV ga Qaranka si toos u soo tabinaayay oo bulshada soomaliyeed dibad ama gudaba la socotay sidi in Doorasho Qaran jirto oo kale, maaamuladi kale ee gobolada iska daa in ay live u soo tabiyaane xataa ma aysan ku soo hadal qaadin wararkooda kowaad oo muuqaalo ama qoraala xataa faah faahsan ma aysan ka qorin haddaba mala dhihi karaa waa war baahin mise Qaran mise mid Qabiil??? Aniga waxaa is leeyahay Waxa Soomaalida kala ir dheenaa waxaa kow ka ah war baahinta meeshi la rabay in warbaahinti Qaranka ay isku soo dumi laheed Soomaali wayn si dhexdhexaad oo ALLA ka cabsi leh oogu adeegi laheed ayay noqotay in sidi kuwa qaaska loo lahaay wax u qorto una soo tabiso!!! taana waxay keenaysa in xulufo loo arko Dowlada dhexe iyo Maamulada qaar ay warbaahinta Qaranka la safan tahay. Meeshana waxa ka baxaya kalsoonidi dowlada dhexe ay ku qabeen shucuubta gobolada kale ka soo jeeda ama dagga. FG: Warkasta oo ay qortowar baahinta Qaranka ama TV geeda laga so gudbiyo uma arko mid ka dhalatay qibrad yari ama aqoon la'aan waa mid qabiilaysan dadka ka shaqeeyana 95% tira ku dhow hadaysan ba ka badneen waxay ka soo jeedaan Benaadir iyo gobolada dhexe: Tirada kor ku xusay waa qiyaasteeda. Waana ku faraxsanahay Mudana Yusuf Garaad adoo qabiiir hore ee saxaafada ah ilaa iminka wax qora kana soo jeedaa goboladaas kor ku xusay in aad ka danqatay sida wax u socdaan qalinkaada na aad u qaadatay. Waa rajaynaa in arintan ay noqoto arin si dhab ah loo qaato War baahinta Qaranka na dib u habayn wayn lagu sameeyo oo dad ehel u ah kana hufan Qabiil iyo gobolaysi loo qaato shaqaaladooda waa hadii la rabo Somaali wayn ti kala tagtay la isku soo dumo lana isku soo celiyo. Mahadsanidiin inta qoraal kan dheer aqrisay.

    ReplyDelete
  8. Aqoonta professional journalism umada soomaliyeed waku yartahay.
    Imika hadii aad website akhbaarta Soomalia la raadiso, waxaa si cad kuu muuqaneya iney dhinac Qabiil ku taageraayan. Example Allpuntland.com fiiri ama Hiiraan.com.
    Totally waxaa kamaqan cadaalad iyo accountability

    ReplyDelete
  9. Aniga Radio Muqdisho waa warbaahin qaranku leeyahay laakiin aan loogu adeegin. Waxeey aheyd marki ugu horreeysay een arkay inuu yahay awr dhinac ka raran, markii Kambala ay kusoo heshiiyeen madaxdii xilligaas hogaanka dalka haayay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajana meesha laga saaray. Buuqii iyo banaan baxyadi rabshadaha watay oo aan lafteeyda taageersanaa hadduu mid nabadeed sii ahaanayo Radio Muqdisho uma tabineynin si dhaxdhaxaadnimo ah iyo si war baahin qaranba ah isla markaana xushmo u haayo madaxda qaranka dhammaantood iyo kuwa maamula berigaa hogaaminayay. Waxaan la yaabanaa markeey noo daareen heeso kacaan ah oo malah wadani ay ka wadeen iyo kuwo wadani ahba iyagoo malaha isku arkayay ineey shacabka ugu adeegayaan. Waxeey is moodsiiyen in cida Kampala Accord soo saxiixday ay tahay madaxdii qaranka hogaanka u hayay. Inta berigaas diidaneyd oo aniga aan ka mid ahaa waxaa u dhigmay ama ka badnaa inta ku qanacsaneyd ee maaheyn duulaan qaranimadeena lagu soo qaaday oo madax iyo shacabba meel uga soo wada jeedaan.

    Marki iigu xigay waxeey aheyd olalihi musharixiinta madaxweyne nimada u carareeysay oo aan arkayay inaan si siman loogu ogolaan ineey fikradahoda usoo bandhigaan, iyagoo ugu adeegayay mid kamida murashaxiinta oo isagu xafiiska fadhiyay, laakiin macnaheedu maaheyn inuu yahay milkilaha warbahinta qaranka. Maadaama lagu jiro xilli doorasho oo aanan la ogaan karin cidda kusoo bixi doonta, waxeey aheyd ineey ugu yaraan 40% fursad ah ay siiyaan ragga iyagana u cararayay xilkaas oo Yuusuf Garaadba ka mid ahaa. Ma dhicin taas, nasiib darrana musharixi loogu adeegayay kuma soo bixin tartankaas. Sow weji gabax maahan iyo ceeb ka raacday masuuliyiinta warbaahinta qaranka. Ku xiji inti jeer ay baarlamaanku laba u kala jabeen, ha ahaato xilli xukuumado la ridayay iyo xilli qaar kale la marsiinayay. Mar walbo garab xildhibaanada kamida ayeey la shaqeynayeen, marki buuqa dhamaadana xildhibaano dib usoo eego oo yiraa " kuwani maxeey ahaayeen" ma arkin, maadaama iyaga lasoo marsiiyo miisaaniyada wasaarada ey hoos tagaan oo mushaarkooda iyo kharashka warbaahinta ku baayaba dhiibta. IQK...........

    ReplyDelete
  10. alla maxuu runta sheegay,yusufow hadii wararka sidaan loo tafatiri lahaa colaadaba way naga dhamaan lahayd.

    ReplyDelete
  11. Sxb yusuf wa ku saxan tahay Lkn mid Ba ka tagtay oo ah in aysan warbaahintu aysan ahayn mid soomaaliyeed ay tahay mid reer leeyahay oo huwan magacii qaranka soomaliyeed, sida madaxweynaha GALNUS na u hadlay ay cadayn buuxda utahay arrinkaa. Hadii Ay dhacdaba inay puntland diiday in war siiso warbaahinta aad Kor kuxustay soo majiraan warbaahino kale oo kamadax banan labada dhinac iyaga maxa u diiday inay Kuwaas kasoo qataan warka Tusaale ahan may dhahaan wasiirka warfaafinta puntland o u waramay VOASOMALI ayaa saa yiri.

    ReplyDelete
  12. haddii aan sidaas cid kasta runta loogu sheegin marka ay khaldantahay, innagoo dhan toosi mayno.

    ReplyDelete
  13. waxa ay ila tahay in qofwalba waxa ka dhexguuxaya aan lamatali karin dadbadan ayaa axa ay iaka dhigayaan dad yuusuf kutaageersan feker fiican ow soo jeediyey lkn arinku sidaa ma ahan ee hadii ysuf sidaan si ka duwan hadalka u dhigi lahaa waa canbaaareyn lahaayeen in la eg inta ay hada iska dhigayaan kuwa ku taageersan warka ow hada soo share gareeyey. tankale xaMAR WAA CAASIMADII wadanka waana waxaana kuyaala madaxtooyadii qaranka waxa ayna base u tahay dowlada federalka ah waana iska caadi qolaba walba iney ka adkaato marba wax ku sheegto maxaa yelay waxa y kutusee sida ay dhexdhexaad utahay. dowladi maxamed siyaad b are ayaa la dhihi jiray qabiilbey utahay qaran ee dadka dhan uma qaran eraygaas mid lamida yaa maanta kayeraayey mas'ul katirsan mamul gobaleedka puntland ee somalia kuna andacoonayeen dowlada dhexe ayaan dagaal kula jirnaaa marka taasina kama duwna wxa ay hada ku andacoonayaan sxbda ra'yigooda kadhiibtay lifaaqaan. waxase la aamini karaaq waxa aad sheeganayso marka soo raacsiidii xog cad oo aan ka ahayn waxa ow soo taag gareeyey mr yusuf garaad mxaa yelay yusuf asaga ya umadax naaan war b ixinta ow qoray waana wax ka yaqaan saxaafda sida ow wax u arko ayowna soo bandhigaa lkn sida aad adigu wax u aragto makaturjumeyso sida tan yusuf markaa soo raacsii waxaad ku cadeynayso wrka faraha badan oo aad meesha kusoo qorteen QORAAL IYO COD intaba. mahadsanidiin.

    ReplyDelete
  14. Aad iyo aad ayaa Yusuf Garaad, turxaan bxinta aan lala wadaagtey oo ku saleysan khibrada media u leedahay iyo waayo aragnimo guud. Waxay ku fiicnaan lahayd inaad institution media and journalism furtid oo ay ka soo baxaan dhalintii media somalia u shaqey la hayd si impartial ah. Thanks once again.

    ReplyDelete
  15. Maashalah walaal Yuusuf Garaad. Waa wax shaqsiyan Ii quseeya dhamaan wixii war ama aqbaar iiga soo yeedhe guud ahaan dhulka soomaalidu degantahay, gaar ahaan kuwa aan degaanka u leenahay ee bariga Africa. Baahida loo qabo aqbaar dhameeystiran samaan iyo xumaanba waa badantahay, loo ma se helo sida aay muhiim ka u tahay. Waan kuugu hambalyeeynayaa fikir kaaga saliim ka ah. Waxaan na u rajeeynayaa dhamaan dadka masuulka ka ah ama shaqadoodu tahay ineey warka tabiyaan, ineey u noqoto tusaale aay qaataan. Jazakalah.

    ReplyDelete
  16. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  19. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  20. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  21. Yusuf Garaad aad ayaa ugu mahadsantahay dhaliisha xirfadeed ee aad u jeedisay saxaafada somalida iyo tabinta wararka dagaalka iyo xaasasiyada wata, gaar ahaan warfaafinta Qaranka, wax badan oo warar ah oo ku salaysan dagaalka nasiib darada ah ee Gaalkacyo ayan dhagaystay, daawaday, akhriyay, sntv iyo radio muqdisho waa ugu asluub badnaayeen, dagaalkana waxaaban dhihi karaa 70% ayagaa waday 20% qurba joogta labada dhinac waxaana kaaga filan comment yada warkaada lagu sameeyay,ee caadifada xambaarasan,waxaan la yaabaa waxa bulshadeena ka qaaday dareenka wada noolaasha ku dhisan iyo dhaqamada ilbaxnimada,

    ReplyDelete
  22. Waxaan filayaa iney jirto aqoon darro iyo waxogaa caadifad ah, markaan oo kale waxey mudataa nunka ruug cadaa saxaafadeed ah.
    shukran walaale Yusuf

    ReplyDelete
  23. SNTV IYO RADIO muqdishu waa siman yihin lkn waxa dhib ah idacadaha ukala warama puntlandi iyo galmudug inaysan war hubin xalada gaalkacyane la buubunin

    ReplyDelete
  24. SNTV IYO RADIO muqdishu waa siman yihin lkn waxa dhib ah idacadaha ukala warama puntlandi iyo galmudug inaysan war hubin xalada gaalkacyane la buubunin

    ReplyDelete
  25. Dhexdheexadnimo hadii mihnada Warka laga waayo waxaa ka baxaya tiir ka mid tiirarka kalsoonidda haydda warbaahineed.

    ReplyDelete
  26. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  27. Suaal Yuusuf...ka waran masuulka hadii hadalkiisa Lagu xidho waxa loo yaqaan, "Qourationska"....maxaa ku jaban?

    ReplyDelete
  28. yuusf garaad mahdsanid sxp waxaa xaqiiq ah arrintan aad ka hasdashay waana wax iska cad oo aan geed loogu soo gabban.

    ReplyDelete
  29. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Caano ninkii soo wadey ka dayriyey, kii loosoo wadey maxaad mooddaa".Yusuf Garaad, arrintaas aad sida xaqsoornimada iyo hufnaanta leh uga hadashay waad ku mahadsan tahay maanta. Balse, ma isweydiisay SNTV iyo Radio, ma khatif maanta oo keliya ka dhacay baa mise waa waxay horey u caadaysteen, oo Soomaali badanna ay isku seegeen, oo aan lagana daawan dhegahana loo balalin meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan? dad badan oo aan ku jiro xogtaan aad ka hadashay maanta weligeen ma ogaanneen haddii aadan adigu noosoo gudbiseen, maxaa yeelay nasiib darro looma arko isgaarsiin Soomaaliyeed, ee waxaa loo arkaa mid ku sifowday inay u adeegto reer gaar ah iyo dano asxaab gaar ah. Balse, waxaa nasiib wanaag ah in aan maanta baahi gaar ah loo qabin maaddaama ay maanta ilaha xogaha iyo wararku ciiddaas ka badan yihiin. Waa sida BBC iyo VOA oo aanan muddo dhawr iyo labaatan sano ah dhegaysan warna igu seegin la'aantood. Runta markaan kuu sheego khaasatan BBC waxaan iska xiray oo iska mamnuucay markaad adigu maamulkeeda haysay, waxaana igu kalifay isla sababta aad maanta SNTV iyo Radio ku sifaysay, oo ah inay BBC lumisay mustaweheedii dhexdhexaadnimo. Haseyeeshee, waxaan aamminsanahay oo aan kugu bogaadinayaa in ruuxu isbeddeli karo, sababtoo ah qof kasta korriimo garaadka ah ayaa u socota oo ma jiro ruux hal meel iska taagan (qofku ama kor buu u socdaa ama hoos nolosha), Sidaas aawadeed ayaan kuugu soo qaatay maahmaahda kore. Mahadsamid!

    ReplyDelete
  30. Yusuf sxb hadii ay diideen inay waraysi siitaan warbaahinta qaranka oo ay dhaheen anagaa leh warbaahin qaas ah sxb galmudug ma lahan warbaahin qaas ah wey ku qasban yihiin inay cidkasta oo makarafoon wadata sii war lkn adiga haday cid kale ahaan lahayd waraysigaas oo aan galmudug ahayn daldaloolkaas camal ma raadiseen ee waa mucaaradnimadaada aad caleema saarkii guleed uga qeyb galin tii gaas ee garoowena aad safka hore fadhisay sxb waagula.socdaa waxaad tahay iyo waxaad gudo horey usoco oo raadi dal daloolada galmudug

    ReplyDelete
  31. Waa mahadsantahay Yusuf Garaad sida aad arintaan uga hadashay..... KA WARAN qof ka maalin walba qoraaladaas ay tahay inuu aqrinayo, waxaan dareemaa in Qof ka qalinka heystey uu la hadlayay qryb kamid ah dhageystayaasha ( muwaadiniinta Darajada Kowaad) Tirada anan ku jirin...... CAAASIMADII loooma sinna AGABKII QARANKA lagama wada faaideysto DOWLADDII DHEXENA waa LA kala XIGGAA waa yahee maxay tadhey MIDNIMADII.


    GALKACAYO, magaaladeydii waxaan ka xumahay khasaaraha dadka 2da dhinac ee magaaladaba soo gaaray.

    Waxaan XASUUSTAA ardeydii dhinaca kale ee aan isku iskuulka ka ahayn, sida aan u faraxsanahay oo aan dad hal maagaalo u nahay ayaa Markay colaadaan oo kale dhacdo waxaaan dareemi jirney inaan kala duwanahay; qofka aan cadowga u arko waa saxiibaday MADAXWEYNAHOODA ama SARKAAL aad qaali u, HALKA MADAXDA DHANKA aan Daganahayna shar wadayaal looga yaqaan dhankooda.. Marka DAGAALKA DHAMAADO oo an schoolka kuso laabano la isma weydiin jirey wixii dhacay iyo Ciddiikhaldanayd maxaa yeelay isku si uma aragno, waxaan dhihi jirney oo kaliya WAAA DHIB KA DOWLAD LA'AANTU KEENTAY inshaAllah waan ka bixi doonaa.

    Manta oo 9 Sano lago joogo xilligaas DOWLAD SOOMAALIYEEDNA AY JIRTO, COLAADIINa Waji cusub yeelatay, Waxaan jeclaan alahaa inaan arko saaxiibaday oo aan weydiiyo WAXA Ku dhacay RAJADEENII; ma dowladda baan tii aan u qabney ahayn MISE dadkeena uma qorna iney weligood heshiiyaaan ?

    SI KASTA ha ahaato JAWAABTO WAXAAN ILAAHAY oo Kaliya KA RAJAYNAYAA inaan arko galkacyo oo dadkeeda reer galkacyood isku arkaan, iyo in XASUUS YAHA MURUGADA LEH ay noqdaan kuwa laga gudbey oo laga sheekeeyo bas, ee aynan noqon XAALAD jiil walba oo Galkayo ku barbaara ay tahay inuuu ku noolaado.

    ReplyDelete
  32. Yusuf garaad waan kugu raacsanahay arinkaan isaga ah.

    ReplyDelete
  33. Yusuf garaad waan kugu raacsanahay arinkaan isaga ah.

    ReplyDelete
  34. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  35. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  36. Biri samaadkii ciyaartii u dhaxeysay Hargeysa iyo naadi kale oo tabiyaha ka ahaa Cowke wa tuu dhahay "ANAGAA WAANO" Caadhifadi cowke ka keentay anagaa wadano ayaa inankane ka keentay xaglinta xaga XAGLMUDUG

    ReplyDelete
  37. Bismilah
    waan idin salamayaa dhamaan salaan kaadib waxaan u sheegaayaa dhamaan dadka ka faaloonaya arin xasaasi ah in ay u hadlaan si masuuliyad ku dheehantahay ee aan loo hadlin sidii caruurtii caqliguna waa inuu shaqeeyaa mida kale Galkacyo waxaan leeyahay allaha kala qaboojiyo labada maamul ee shaydaanku u kala dabqaaday waxaana rajaynayaa in heshiis laga gaari doono mida kale waxaan kula talinayaa oo kale labada maamul in laysu tanaasulo sikasta oo ay wax u jiraanba

    hadii aan u soo laabto meesha aan u socdo oo ah in la aflagaadeeyo masuul umada matalaya oo ah xilibaan soomaliyeed waa wax laga xishoodo marka hore marka xiga waxaan soomali u sheegayaa in aay u duceeyaan madaxda dalka layskana daayo waabaa hebel waxaas sameeyay iyo waabaa lays laayey waxaasi ma keenayaan xal ee waxaa muhiim ah in hadii ay wax ka dhacaan masuul la yiraahdo allaha soo hanuuniyo kan hanuunsana allah u siyaadiyo

    Aamiin

    ReplyDelete
  38. Scw, Yusuf Garaad. Ilaahay maalinta qiyaamo ha kaa abaalmariyo xilkasnimada iyo qalinka aad ku difaacaysid nabadda.

    Colaadda qabiilka waxaa la i baray 3 arrimood:

    1. In reer hebel naga gardaran yihiin. Dileen adeerkay, walaalkay, aabahay.
    2. In reerkaygu xaqa ku taaganyihiin.
    3. In reer hebel markuu dhib gaadho ay reerkayga faaiido ugu jirto.

    Waxaan la i barin 3 arrimood:

    1. In reerkayguba reer hebel ka dileen adeer, walaal, aabo.
    2. Inaan dhiiggoodu ka raqiisnayn kan reerkayga.
    3. In markaan ku farxo dhibka reer hebel gaadhay aan wareejiyay giraan colaadeed aan ku egkayn reer kaliya.

    Wixii la i baray iyo wxn la i barinba wxn kaga xoroobay garaadkayga, oon ku gartay 3 arrimood:

    1. Qaxa, dhaqaalo burburka iyo dhaawaca/geerida lama kala xigo.
    2. Inaan reerkaygu ka adkaan karin reer hebel.
    3. Aakhiro iyo wanaag markaan meel iska dhigay, wxn kafadaha miizaanka saaray naca iyo baahida aan u qabo reer hebel.

    Waxaa ii soo baxay, baahidaan u qabaa inay ka culustahay naca aan u qabo reer hebel.

    Marka qofkii reer neceb/jecel ha is waydiiyo midkee culus naciisa iyo baahida uu u qabo nabadgalyo, adeegga nolosha; waxbarasho, caafimaad iwm.

    Intaasoo dhan ku darso, haddaad aqbali waydid inaad la noolaatid reer hebel oo kugu af, diin, dad ah, wxd shaqo fursadeed u furtay ciidan shisheeye, oo lacag ku helaya doqonnimadaada.

    Aakhiraba iska illow. Ka tali adduunkaaga.

    Garaad, mahadsanid mar kale.
    Ilaahay xaqa iyo danteennaba ha ina garnsiiyo.

    ReplyDelete
  39. Anigu radio muqdishu maalmahan ma aqrin..
    Sababtoo dagaalka gaalkacyo inaan war dhan ka maqlo ma donayo sidaas darteed.
    Baan dhagaha u cubeystay..
    Balse mar aan fb ku arkay dhaliil loo jeedinayo radio muqdishu
    Waxaan dareemay in si aan lagu qanacsaneyn wax u gudbiyeen...
    Saxaafada barasho bey rabtaaa iyo iney ka fogtahay caadifad inkastoo aan saxafi aheyn..
    Hadana kuwa qaar uma qalmaan iney saxafiba noqdaan..
    Waayo uma diyaarsana iney dad war u gudbiyaan..

    ReplyDelete
  40. Waan ugu raacsanahay aragtidan Saliimka ah, Masuuliyadda Tafiftiraha Weeye in uu war dhex dhexaad ah ka soo gudbiyo dhinacyada is haya. Wakhtiyada colaadu jirtana way ka sii xag jirtaa waa inaad xataa iska ilaalisaa eryada iyo kalmadaha aad u adeegsanaysid warka aad sheegaysid amma warbixinta aad tebinaysid. waa inaad iska ilaaliso kalmadaha xaalada uga sii daraya. Waad mahadsan tahay Macalin Yuusuf Garaad

    ReplyDelete
  41. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  42. Waa lagu duceestaa " Alloow wax-wax kala yaqaan hanoo waayin" aad baan ugu faraxsanahay in dad wax saxa Somali ku hareen,sida: Yusuf Garad Omar Ahmed.

    ReplyDelete
  43. Waa lagu duceestaa " Alloow wax-wax kala yaqaan hanoo waayin" aad baan ugu faraxsanahay in dad wax saxa Somali ku hareen,sida: Yusuf Garad Omar Ahmed.

    ReplyDelete
  44. Wada hdl kadib ayaa loo ogalady in R/W uu ka dago garoowe miyuu si qaldan ula dhaqmin gaas R/W dalka

    ReplyDelete
  45. Mudane Yusuf Garaad thanks. waxan canbaraynayaa masuuliyiinta kuwa sheegta ee jooga Galmudug iyo Puntland oo doonaya ineey kala gooyaan amba kala xukumaan magaalo dad somaliyeed oo walaalo ah waxna ku kal duwanayn ay wada Dagan yihiin. marka labadana waxan canbaraynaa dadka dagen magaladaas oo ku faraxsan in kala gooyo amba ay laba maamul gobooleed yelato
    !!! mida sadexaad. Brother Yusuf Garaad sidee nabad loogu wada dagikaraa magaalo 2 mamul leh sida magalada Qudus oo falastiin iyo yahuuda.

    ReplyDelete
  46. Yuusuf waad kusaxantahay qormadaan. Anigu waxan kasoo jeedaa Maamulka Galmudug haddana waxaan rumeysnahay in warbaahinta qaranku eey noqoto dhexdhexaad wararkana la tifaftiro.
    Galmudug iyo Puntland waa dhul Somaliya manajirikarto sabab midna loo jeclaado midna loo necbaado. Somaliya Somali baa leh

    ReplyDelete
  47. waa soo jeedin wanaagsan la rabano in ay ka faa,iidaystaan, laftirkaa boowe waayahaan la taliye iyo waxbaa la sheeg sheegaayey in aad madaxweynaha u tahay ee warkaa ku tiixsii

    ReplyDelete
  48. Mudane waad ku mahadsantahay maqaalka lkn waa suaale marka hore madaxda qaranka dhexdhexaad ma u tahay Somalida. Warbaahinta eed malahan ilaa madaxda dhexdhexaad ka noqoto.

    ReplyDelete
  49. Mudane waad ku mahadsantahay maqaalka lkn waa suaale marka hore madaxda qaranka dhexdhexaad ma u tahay Somalida. Warbaahinta eed malahan ilaa madaxda dhexdhexaad ka noqoto.

    ReplyDelete
  50. Mash allh.waa war fican.war baahinta local puntland wa in loshegaa warkaas...

    ReplyDelete
  51. Mash allh.waa war fican.war baahinta local puntland wa in loshegaa warkaas...

    ReplyDelete
  52. YUSUF WAA TALO IYO TOISIN NIN WEYN HADALKAAGU.
    LAAKIIN GEEDKU HADUU QALOOCAN YAHAY, HOOSKIISUNA WAA QALOOCDAA.
    NUXURKA: MADAXDII IDASCADA IYO KUWII QARANKU HADAY WALOOCAN YIHIIN, HADEE WIILSHAAN IYO GABDHAHAAN WARKOODUNA WAA QALOOCNAANAYAA, OO ADIGA YUSUF AH SHAQO BADAN BAA KUTAAL OO TOOSIN AH, MADAAMA AAD SUXUFI SARE TAHAY.
    LIIN DHANAANAN HADAAN MIIRTID WAA UN LIIN DHANAAN. QARE MANOQONAYSO. MICNAHA IDAACADU MID QARAN MAAHA EE WAA MID QABIIL

    ReplyDelete