Total Pageviews

Tuesday 5 January 2016

Geerida Mascuud

Allah ha u naxariistee waxaa caawa qabri u hoyanaya walaalkeen Maxamed Cabdi Mascuud. 

Ilaahow Janno ugu bishaaree. 

Wuxuu ahaa nin dhallinyar, dabeecad wanaagsan, xushmad badan, bulshaawi ah sida darteedna ku xiran dad badan oo ay saaxiib ahaayeen. Weriyayaal, fannaaniin, cayaaryahanno, saraakiil ciidanka ah, ganacsato, siyaasiyiin iyo noocyo kale oo bulshada ahba wuxuu ku lahaa saaxiibbo. 

Dadaal badan ayuu ka muujiyay saxaafadda iyo warfaafinta oo uu ka shaqeynayay muddo. Howlo bandan ayuu qabtay qaar ka sii bandanna qeyb ayuu ka ahaa. Hadda wuxuu la shaqeynayay Wasaaradda Amniga qeybteeda Faafinta.

Wuxuu ahaa nin dhallinyar oo howlo badan oo tabarruc iyo samafal ah ka qeyb qaatay. 

Aad ayuu u adeegsan jiray saxaafadda bulshada. Wuxuuna si gooniya u xiiseyn jiray sawirrada oo uu qaadistooda ku fiicnaa iyo video-ga oo uu asagana edit gareyn jiray. War uu soo dhigo Facebook waxaa ugu dambeeyay bishii Novembar 2015 kaas oo uu ugu hambalyeeyay Ilwad Elman iyo Hooyadeed Fartun C. Adan oo ku guuleystay Abaalmarin.


Lama dilin Mascuud. Xanuun ayaa soo riday, Isbitaalka Digfeer (sida weli loo yaqaan) ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay qiyaastii laba usbuuc ka dibna wuu ku geeriyooday. Allah ha u naxariisto.

Saaxiibbo badan ayaa maanta ku soo bandhigay saxaafadda Bulshada sida ay uga murugoodeen Mascuud geeridiisa, in ay ka tacsiyeynayaan iyo in ay Allah u baryayaan. Dabcan waxay raaciyeen wanaaggiisa oo ay Soomaalidu inta badan u qirto qofka, keliya marka uu dhinto ka dib!

Sida qof ay ehel yihiin uu ii sheegay, Mascuud wuxuu ku jiray Isbitaal aan xaaladdiisa caafimaad waxba ka qaban karin. Dowladda uu u shaqeynayay iyo saaxiibbadiisa faraha badan midkoodna kuma guuleysan in uu geeyo Isbitaal xaaladdiisa oo kale lagu daweeyo.

Mascuud oo dhallinyarada da'diisa ah kuwa ugu dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida badan ka mid ahaa, xiriirro fara badan lahaa, Dowladdana u shaqeynayay, markii uu xanuunsaday ma helin cid u gurmata oo geysa isbitaal xaaladdiisa wax ka qaban kara. Bal qiyaas ninka ama gabadha isaga ku fac ah ee aan shaqeyn ee aan xiriirrada uu leeyahay oo kale aan lahayn.

Geerida Mascuud waxay tahay in aan iska weydiinno dhowr su’aalood.

Ujeeddadu waa in aan dalka fahamno, waxa ay tahay in ay Dowladdu u qabato shaqaalaheeda iyo dadka tabarruca ay raalliga ka tahay kula shaqeeya aan is weydiinno, waxa bulsho ahaan iyo saaxiibbo ahaan ay tahay in aan isu qabannana aan is xusuusinno.

Jawaabaha qaarkood waa lagala dhex bixi karaa qormadeyda, laakiin jawaabaha oo dhan anigu ma hayo. Qof kasta isaga ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay in uu raadiyo siiba suxufiyiinta Soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

Maxay tahay tayada adeegga caafimaad ee dalku? Gaar ahaan Muqdisho, oo Saaxiibkeen ku geeriyooday, heerkee ayay gaarsiisan tahay?

Waxaa laga yaabaa in aad is leedahay su’aalhaas jawaabahooda hadda kuma khasbanid in aad baarto oo aad ogaato. Sababta oo ah mashquul ayaad tahay ama waxay kula ahaan kartaa in aanay jirin wax kugu kallifaya.

Laakiin haddii aad Xamar ku nooshahay ama aad ehel iyo saaxiibbo ku leedahay sida ay Soomaalidu u badan tahay ama aad mar uun dooneyso in aad booqato, ogow waxaa laga yaabaa in aad jawaabaha su’aalahaas aad u baahato in aad daqiiqado yar gudahood ku ogaato. Go’aanka aad gaartana waxaa laga yaabaa in uu noqdo go’aan geeri iyo nolol ama mid ka daba dhow.

Nasiibkaas waxa aad heleysaa oo keliya haddii adiga oo xiskaaga qaba aad u baahato Isbitaal. Dad badan waxaa go'aan loo gaaraa oo Isbitaal loola cararaa ayaga oo aan talada wax ku lahayn xaaladda ay galeen awgeed. Xataa dadka go'aanka u gaaraya waxaa laga yaabaa in aanay is aqoon maaddaama aad ku dhaawacmi karto ama aad xanuun dartiis ku miyir beeli karto waddada ama meel kale oo aan ahayn gurigaaga ama goobtaada shaqada ama waxbarashada.

Waxaa kale oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno qofkii xanuunkiisa ama dhaawiciisa aan wax looga qaban karin dalka gudihiisa, waxa ay soo kordhineyso in isbitaal la dhigo si xanuunka uun loo sii illowsiiyo qalbigana lagu qabowsado in uu isbitaal ku jiro?

Maxay tahay muhiimadda ay leedahay in tayada Isbitaallada kor loo qaado, la is waafajiyana nooca uu dalkeennu ugu baahi badan yahay iyo adeegga caafimaad ee laga heli karo?

Inta taas la gaarayo, yey mas’uuliyadi ka saaran tahay qofka aan xaaladdiisa dalka wax looga qaban karin in Isbitaal dibadda ah loo qaado? Saddexda dal ee xagga dhulka soohdinta nala leh, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya saddexduba way nooga horreeyaan adeegga caafimaadka? Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar iyagana dhowr jeer ayaa dad dhaawac ah ama xanuun hayo loo qaaday. Qofkii isagu awooda ama ehelkiisa ama saaxiibbadiis ay ka bixinayaan India iyo Malaysia iyagana caafimaad waa loo tagaa.

Qofka xanuunsan ama dhaawaca ah hadduu yahay shaqaalaha Dowladda Isbitaallada guduhuna aanay wax ka qaban karin, maxay tahay mas’uuliyadda hey’adda uu ka tirsan yahay ka saaran in bukaankaas isbitaal dibadda ah la geeyo? Wakhti intee le'eg ayay tahay in hey'adda laga warsugo.

Isbitaallada Muqdisho lix ka mid ah ayaan booqday. Qaarkood dadaal badan ayaa ka socday oo loogu adeegayo bulshada inkasta oo mid kasta adeeggiisu uu lacag ahaa, dadkuna aanay wada haysan. Anigu baaritaan ma sameyneyn ee qof xanuunsan ayaan booqday ama saaxiibbo booqanaya aan la socday. Inta ay isheydu qabatay iyo tayada adeegga uu helay bukaanka aan booqday oo keliya marka aan ku qiimeeyo lixda Isbitaal midkoodna anigu kuma qancin. Weliba qaar ka mid ah fayadhowrkooda ayaan aad u saluugay.

Waxay ila tahay in qormadeydu ay soo bandhigtay su'aalo ka badan kuwa ay ka jawaabtay. In aan isu kaashanno jawaabaha ayaan u baahan nahay.

Mascuud waxaan isku barannay Mombasa, inta badanna waxaan isku arki jirnay Nairobi. Sanooyinkii u dambeeyay wuxuu u soo laabtay dalkiisa oo Muqdisho ayuu ka shaqeynayay.

Saaxiibkeen Mascuud Allah ayaan u baryayaa waxaanna saaxiibbadiis iyo saaxiibbadeey oo dhan aan ka codsanayaa in ay u duceeyaan oo Allah u baryaan in uu naxariista Janno ka waraabiyo. 

37 comments:

  1. Alaah Ha u naxariisto Saxiibkeen, Yusuf Garaadaw adna Tiir muhiim ha baad tahaye Alle Cimriga iyo Caafimaadkaba hakuu dheereeyo.

    ReplyDelete
  2. Eebe ha unaxariisto. Inkasta oo aanan suaalahaa jawaabahooda hayn, haddana waan qiyaasikaraa baahida caafimaad ee uu yeelankaro waddan ay weli kaladanbaynta iyo isla xisaabtanku uusan kashaqayn. Balse waxaan si guud iyo so gaaraba ugu mahadcelin lahaa Yusuf Garad oo xaqiiqdii aan u arko shaqsi waddaniyad dhaba kamuuqato inta tabartiisa ahna wacyigelin kawada warbaahinta bulshada inkastoo waxyaabaha qaar aan kaga aragti duwanahay haddana qofka wanaagiisa oo laqiraa waa qaybkamid ah kakorida dhanka maskaxda. Masuuliyaddu ma ahan wax weyn in aad qabato, laakiin taladu ito wacyigalintu marbay tahay mahuraan.
    Mahadsanid Yusuf markalr

    ReplyDelete
  3. Eebe ha unaxariisto. Inkasta oo aanan suaalahaa jawaabahooda hayn, haddana waan qiyaasikaraa baahida caafimaad ee uu yeelankaro waddan ay weli kaladanbaynta iyo isla xisaabtanku uusan kashaqayn. Balse waxaan si guud iyo so gaaraba ugu mahadcelin lahaa Yusuf Garad oo xaqiiqdii aan u arko shaqsi waddaniyad dhaba kamuuqato inta tabartiisa ahna wacyigelin kawada warbaahinta bulshada inkastoo waxyaabaha qaar aan kaga aragti duwanahay haddana qofka wanaagiisa oo laqiraa waa qaybkamid ah kakorida dhanka maskaxda. Masuuliyaddu ma ahan wax weyn in aad qabato, laakiin taladu ito wacyigalintu marbay tahay mahuraan.
    Mahadsanid Yusuf markalr

    ReplyDelete
  4. Allaha unaxariisto walaalkeen adna allaha cimri dheeri kusiyo

    ReplyDelete
  5. Allaha unaxariisto walaalkeen adna allaha cimri dheeri kusiyo

    ReplyDelete
  6. Awalan.
    Allah ha u naxariisto, eebe weyne waxaa ugu baryaa Janatul fordowsul aclaa in shaa allaah.
    Second.
    Mr. Garaad qormadaada waa ka wada bogtay, waana qormo miisaankayga leh, anigu su'aalo badan ayaa iga soo baxay bal hal hadaan ka iraahdo:
    * Wasaaraddii uu u shaqeenayay Marxuum Mascuud maxay ugu yaraan ugu saacidi weysay iney geeyaan isbitaalada wadamada aadbsoo tirisay amaba kuwa kale?
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  7. Yusuf aadbaad u mahadsantahay qoraalkaaga tacsi iyo Farringdon bulshadwed isugu jiro. Allaha u naxariisto saaxibkeen Mascud

    ReplyDelete
  8. Yusuf aadbaad u mahadsantahay qoraalkaaga tacsi iyo Farringdon bulshadwed isugu jiro. Allaha u naxariisto saaxibkeen Mascud

    ReplyDelete
  9. dhibaatada ugu weyn waxeey ka jirtaa bulshada oo aan lasocon arimahan dowlada iyo ineey xaq kuleeyihiin iyagana lagu leeyahay, dadka dowlada madaxda ka ahna garasho xumo ayaa heesa oo ah xaqa bulshadooda kuleedahay ileen ayaka u dowlad ahe, markaas ayeey dowladnimadu sisaxa u dhaqaaqi laheed,

    ReplyDelete
  10. alaha u naxariisto marxuumka. dowlada yaan la eedeyn sababtoo ah hadii la eedeeyo waxaa laga dhigey dad waz qabtey waxna dhaafeen. dayaca ay dalka biďdey adeega caafimaadku waa ka boqolkiiba hal marka iska ilooba dowladee idinku maxaad ku tari kartaab dalka

    ReplyDelete
  11. alaha u naxariisto marxuumka. dowlada yaan la eedeyn sababtoo ah hadii la eedeeyo waxaa laga dhigey dad waz qabtey waxna dhaafeen. dayaca ay dalka biďdey adeega caafimaadku waa ka boqolkiiba hal marka iska ilooba dowladee idinku maxaad ku tari kartaab dalka

    ReplyDelete
  12. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  13. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  14. Allaha u naxariisto walaalkeen samir iyo iimaan dhamaan ehelka iyo qaraabada uu katagay aamiin. Isbitaalada xamar ama soomaaliya guud ahaan malaha agabkii iyo ta'siilaadkii muhiimka u ahaa la tacaalida bukaanada la jiifiyo. Sidoo kale kuwa khaaska loo leeyahay hadaan qofka lacag lala dultaagnayn waxba uma qabtaan. Majiro sharci faraya isbitaalada in bukaanku helaan adeegyo caafimaad ama standard health coverage oo dalka u degsan. Laguma celin Karo nafta qof tiisii soo dhamaatay. Laakinse shaqaalaha dowlada sidoo kale malaha xaq caafimaad ama damaanad qaad. Waxaa jira dacdaro baahsan, isku dhex yaac iyo khibrad la'aan kajirta wasaarada caafimaadka ee dowlada dhexe mana jiro dadaal ay dowlada Ku bixinayso la tacaalida shaqaalaheeda. Isbitaal banaadir ayaan ugu tagay sanadkii tagay askar dowlada oo gobolada kusoo dhaacwamay Kuna uray isbitaalka. Dhakhtarkii joogay waxuu ku yiri eheleda askarta waa inaad lacagta horumarisaan si qaliin loogu sameeyo hadii kale gurigiina u qaata oo Ku dhayda dhaawaca askarta. Qaarkood xabada kujiray askarta. Kawaran bal askarigii ayaa sidaas ah. Indhahayga ayaan kusoo arkay. Waa nasiib daro jirta Una baahan wax ka qabad degdeg ah. Isbitaalka digfeer waa private oo waa lacag.

    ReplyDelete
  15. Yusuf waad mahadsan tahey, waa fariin qalbiga taabaneysa, dayaca mas'uuliyadeed iyo duruufaha ka muuqda adeegyada caafimaad ee dalka ka jira, walaalkeen Mascuud-na rabbi ha u naxariisto, dhimashadiisuna waa mid nagu reebeysa xanuun.. sabir iyo iimaan

    ReplyDelete
    Replies
    1. Sanad ka hor ayaa ka hadlay, madaxweynaha hadaladiisa ku saabasan isbitaal digfeer.
      https://www.facebook.com/photo.php?fbid=10155242980595402&set=a.10151755294365402.857631.652700401&type=3

      Delete
    2. waxaa fiicneyd Yusuf in uu ka fiiriyo arinta, meesha laga yimaaday iyo meesha loo socdo.
      5 sano ka hor, xanuunka yarka u dhintay ee Faaliga (stroke), nooco uu yahay in la ogaado wax adag ayee aheyd, ha ahaato nooca Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage) ama nooc Xinjir-sameysa maskaxda ah (cerebral thrombosis), balse, nasiib wanaag maantay, 5 isbitaal oo mogadishu ku yaalo CT scan ayee keeneen, si loo ogaado nooca uu yahay.
      dhinaca daawada, waxuu u baahanyahay daqtar Neurosurgery, uma maleyn maayo inuu jirro daqtar somaali ah ku taqasusay iyo qalabka oo aad iyo aad u qaali ah.

      Delete
  16. Adeeg caafimaad mahan wax inta la is waydiiyo oo la search gareeyo jawaab loo helo. Wax odorsiimo ah ma ahan. Waa wax millions saac oo dhidid maarayn iyo muruq ah lugu helo. WaddO diisaba ma hayno. Bulshadeenna oo idil sida ay ugu mashquul santahay wax jinni-jaan ah ayaa nin/naag waliba wadnuhu istaagaa, deetana Adeeg caafimaad baan xasuusan aa, qofka ayaan duugnaa deetana waan illow naa ilaa qof kale wadnuhu istaago. Sidaas baan ku la'nay naa. Xasuuso adeerkaa dorrad ku dhintay beled-Wayne waa ogaan c.raxman ugaas khaliif. Si uu helo bad baad caafimaad waxay eheed in uu last 30 years ku mashquul Sanaaaado dhisme caafimaad isaga iyo Bulshaduba. Lama samayn. Wadnaha ayaa loo qabtay. Dheh myocardiac infraction. 5 minutes ayuu haystay si loo badbaadiyo. Adigu ba kaalay oo 5 daqiiqo isbitaal ku dhis,jaamacad dhis o uyeel kulliyad caafimaad,soo saar doctors tababarran deetana odaga ha badbaadiyeen. حتى يلج الجمل في سم الخياط

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. Yusuf garaad aad ayaad u mahadsantahay, saaxiibkeen marka hore allaah u naxariisto janadana allaah ugu bishaareeyo .. aad baan ugu faraxsanahay sida qiimaha leh iyo aragtida dheerna ay ku dheehantahay oo aad u taxliilisay adeegga caafimaad ee ka jira dalkeena gaar ahaan Muqdisho. Waana mas'uuliyad wadareed u baahan in diirada la saaro xalkeed oo aanay ku koobneen wasaarada caafimaadka . Xukuumadeena qoondada caafimaadka ee miiisaniyada qaranka ma dhaafsiisana 0.4% oo xitaa shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaarada ma kaafiso gunnooyinkooda ! Isbitaalada oo badankood ku shaqeeya os xilsaar shaqsi ah iyo mid looga soo baryo tago caawimaad caalami ah . Inkastoo wasaarada u dajisay habraac daawayn iyo qorshe maamul iyo tayayn oo dhanka adeegga caafimaadka ahba dajisay balse wasaaradda waxaa haysta quraankaan aqaannaa kaa aqrisan maayo ayaa ka adag . Isbitaalka digfeer nasiib xumo wuxuu ku biiray kuwa kale oo habqanka iyo fowdada adeeg xumo kagaba sii dheereeyay kuwii horay u jiray waliba isagoo huwan awood dowladeed iyo taakulo dibadeed. Waxaan kula wadaagi doonaa caqabadaha ku xeendaaban tayaynta isbitaalada iyo xukuusha mabda'iga ah oo aan ku qancay in wasaaradi ku filneen xalka maadama aan loona madax banayn laguna hogaamin markii horeba hadana aanii caaafimaadka mudnaanba ku dhex lahayn agendayaasha iyo qorshe howleedka xukuumadeena

    ReplyDelete
    Replies
    1. waxaa fiicneyd Yusuf in uu ka fiiriyo arinta, meesha laga yimaaday iyo meesha loo socdo.
      5 sano ka hor, xanuunka yarka u dhintay ee Faaliga (stroke), nooco uu yahay in la ogaado wax adag ayee aheyd, ha ahaato nooca Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage) ama nooc Xinjir-sameysa maskaxda ah (cerebral thrombosis), balse, nasiib wanaag maantay, 5 isbitaal oo mogadishu ku yaalo CT scan ayee keeneen, si loo ogaado nooca uu yahay.
      dhinaca daawada, waxuu u baahanyahay daqtar Neurosurgery, uma maleyn maayo inuu jirro daqtar somaali ah ku taqasusay iyo qalabka oo aad iyo aad u qaali ah.

      Delete
    2. arinta tayada, 1 sano ka hor ayaa ka hadlay, tayada xumada isbitaal digfeer iyo beenta madaxweynaha ka sheegay.
      https://www.facebook.com/photo.php?fbid=10155242980595402&set=a.10151755294365402.857631.652700401&type=3

      Delete
  19. Yusuf garaad aad ayaad u mahadsantahay, saaxiibkeen marka hore allaah u naxariisto janadana allaah ugu bishaareeyo .. aad baan ugu faraxsanahay sida qiimaha leh iyo aragtida dheerna ay ku dheehantahay oo aad u taxliilisay adeegga caafimaad ee ka jira dalkeena gaar ahaan Muqdisho. Waana mas'uuliyad wadareed u baahan in diirada la saaro xalkeed oo aanay ku koobneen wasaarada caafimaadka . Xukuumadeena qoondada caafimaadka ee miiisaniyada qaranka ma dhaafsiisana 0.4% oo xitaa shaqaalaha xarunta dhexe ee wasaarada ma kaafiso gunnooyinkooda ! Isbitaalada oo badankood ku shaqeeya os xilsaar shaqsi ah iyo mid looga soo baryo tago caawimaad caalami ah . Inkastoo wasaarada u dajisay habraac daawayn iyo qorshe maamul iyo tayayn oo dhanka adeegga caafimaadka ahba dajisay balse wasaaradda waxaa haysta quraankaan aqaannaa kaa aqrisan maayo ayaa ka adag . Isbitaalka digfeer nasiib xumo wuxuu ku biiray kuwa kale oo habqanka iyo fowdada adeeg xumo kagaba sii dheereeyay kuwii horay u jiray waliba isagoo huwan awood dowladeed iyo taakulo dibadeed. Waxaan kula wadaagi doonaa caqabadaha ku xeendaaban tayaynta isbitaalada iyo xukuusha mabda'iga ah oo aan ku qancay in wasaaradi ku filneen xalka maadama aan loona madax banayn laguna hogaamin markii horeba hadana aanii caaafimaadka mudnaanba ku dhex lahayn agendayaasha iyo qorshe howleedka xukuumadeena

    ReplyDelete
  20. Ugu horeyn. Allah naxariistii janno ha ka waraabiyo Mascuud.
    Yusuf Garaad cimrigaaga Allah ha dheereeyo. Amin.
    Su'aalahaas dhamaan tood waa kuwa muhiima.
    muhiimadda ay leedahay in tayada Isbitaallada kor loo qaado, la is waafajiyana nooca uu dalkeennu ugu baahi badan yahay iyo adeegga caafimaad ee laga heli karo waxay tahay;
    1. In baahida caafimaad ee dalka dibadiisa loo doonan lahaa ay yaraan lahayd.
    2. In khasaaraha (dhimasho iyo dhaawac) uu intaan ka yaran lahaa.
    3. Dhaqaaqle badan oo ku baxa caafimaadka dalka dibadiisa loo raadsho ayaa sidookale yaraan lahaa.

    ReplyDelete
  21. Allah ha u naxariisto walaalkeen Mascuud,qabrigiisana Allah ha u waasiciyo. Aamiin Aamiin.

    ReplyDelete
  22. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  23. Yusuf Garaad, waa ku mahadsan tahay qoraalkaan. Marka koowaad, waxaa xusid mudan wanaaga Maxamed Cabdi Mascuud, oo ahaa nin tixgelin badan, sharaf iyo qiimo weyn ku dhex lahaa bulshada. Allah Janadiisa ha geeyo, guri nuurayo ha uga dhigo. Marka labaad, waxaa jeclahay adiga iyo axsaabta kale inaan idinla wadaago dareenkeyga su'aalaha aad nagu weydiisay halkaan, oo kuwo la mid ah aan isweydiiyay maanta. Geerida Mascuud, waa nasiib daro, awoodeena waa ka yartahay inaan baajin karnay, laakin waxaa xaqiiq ah in inta Mascuud taqaanay, saaxiibo, qoyska iyo dowladu ay guuldareysteen, taas oo dhamaanteen na bareysa in Soomaaliya aynan aheyn wadan guuldaradiisu ku egtahay dowlada hay'adaheeda oo kaliye, balse xitaa dareenkii iyo isku gurmashadii qoyska iyo saaxiibada xitaa ay dhintay. Murugo iyo duco ka dib, waxaa inoo yaala dadka sida Mascuud oo kale ah iyo kuwa aan xiriir sidaan u weyn iyo awood kale toona aan laheyd, oo xanuuno la daaweyn karo u dhimanaayo inaan u sameyno hanaan caafimaad oo lagu badbaadiyo. Runtii, rajada aan Soomaaliya ka qabay, su'aal weyn ayaa gashay. Sababta 1aad waa in Mascuud geeridiisa aynan ka dhalan xabad ama qarax hotel la weeraray, mudo ayuu isbitaal jiifay, hadii ay gurmad u sameyn lahaayeen dowlada, qoyska iyo saaxiibada waa la daweyn lahaa, kuligeena waxaa ku qalbi samaan laheyn inaan isku daynay

    ReplyDelete
  24. Illahay jamadiisa ha uga dhigo abaal marin Aamiin Yaa Allah

    ReplyDelete
  25. Macsuud alaha u naxariisto janada alaha geeyo, aadbaan uga naxay geeridiisa , runtii, cidna telephone iima soo dirin , laakiin waxaan sxb xaga Facebook la, ahay madaale yusuf garad aad iyo aad ayaad u mahadsantahay , caafimaadsan Insha.alaah yusuf garad

    ReplyDelete
  26. waxaa fiicneyd Yusuf in aad ka fiirisid arinta, meesha laga yimaaday iyo meesha loo socdo.
    5 sano ka hor, xanuunka yarka u dhintay ee Faaliga (stroke), nooco uu yahay in la ogaado wax adag ayee aheyd, ha ahaato nooca Dhiig-bax maskaxda ah (cerebral haemorrhage) ama nooc Xinjir-sameysa maskaxda ah (cerebral thrombosis), balse, nasiib wanaag maantay, 5 isbitaal oo mogadishu ku yaalo CT scan ayee keeneen, si loo ogaado nooca uu yahay.
    dhinaca daawada, waxuu u baahanyahay daqtar Neurosurgery, uma maleyn maayo inuu jirro daqtar somaali ah ku taqasusay iyo qalabka oo aad iyo aad u qaali ah.

    ReplyDelete
  27. Marxuumka Macuud iyo Soomaali inta kalee dayaca caafimaad darro ugu dhimata dalka ama debeddaba Allah ha u naxariisto...Waxaan aaminsanahay waxan waxaa lagaga bixi karaa.
    1. Dawladdu inay xil iska saarto dadka u shaqeeya iyo dadkaan u shaqayn ba caafimaadkooda iyo ammaankoodaba dhowrto.
    2. In goobaha caafimaadka la wada qalabeeyo waxa dhakhaatiirta Soomaali dalka joogta ama debedda joogtana laga shaqaalaysiiyo waddanka si ay dadkooda ugu adeegaan.
    3. Shacabka laftirkiisu inuu is agaasimo oo ururo samaysto daryeela dadka taagta daran een caafimaadkooda dhaqaale ahaan iska bixin karin.
    4.Baahida dalka lama soo koobi karo laakiin waxaa muhiima sida loogu kala baahi badanyahay in loo kala horraysiiyo wax qabadkooda sida caafimaadka, ammaanka,Helidda biyo nadiifa oo joogtaa, waxbarashada,isku xidhka bulshada,iyo wixii kalee lagama maar maan ah

    ReplyDelete
  28. Allah yarxam, waa in sare loo qaado tayada adeega caafimaad. Horey waxaan umaqlay digfeer waa isbitaalka ugu casrisan east africa. Wasiirka caafimaadku ha ogaada in uu degdeg adeeg caafimaad oo muhiim ah ugu baahankaro marka hadda ha go aansado in latayeeyo adeega caafimaadka
    yusuf adiguna mahadsanid

    ReplyDelete
  29. Walaalkeen Alle ha unaxariisto iyo Muslimiinta dhimatay oo dhan! Laakiin qoraha article ka waxa aan xusuusin lahaa laba (2) maado: Kow, waxaan nahay Umad Qarankoodii baaba'ay oo ku jirta xaalad ninwalbow-naftaa ah (survival struggle). Sidaa darteed, waxaa xaaladani nooga baahanaysaa in shaqsiga Soomaaligia ihi go'aansado: wax qabo waxa aad qabanaysana ku salee tan aakharo iyo aduunkaaga in aad ku dhimanaysana udiyaargarow! Laba (2) ma aynaan gaarin xaaladii ahayd hayad aad shaqaynay waa in xaqaaga dabooshas. Howshani waa mid mutadawacnimo ah (bilaash wax-uqabasho ah) waana in aad sidaa u aragtaa! Hadii qofku su'aalaha aad soo badhigtay iswaydiiyo, waa lakala cararayaa taasina xal na'ahan Mudane

    ReplyDelete
  30. Allaha u naxariisto marxuumka lkn Yusf waxaad ogaataa in nafta bini aadamka waqti leedahay ilaaheey ugu talo galay oo aysan dhaafeeynin. Qoraalkaada waxaan ka fahmay inaad dhaliishantahay sida loo maareeyey la tacaalidda xanuunka saaxiibkaa lkn aysan marna dhaafi laheey waqtigiisa haddii xataa cisbitaalka aduunka ugu wanaagsan lagu dabiibi lahaa. Meeqa ayaan aragnay cisbitaalada ugu horumarsan aduunka loo qaaday hadana uun ugu dambeeyn geeriyooday oo aysan waxba u tarin. Cusbitaalada soomaaliya runtii wax badan ayeey ka tayo wanaagsanyihiin marka loo eego sida ay ahaayeen 10-15 sano ka hor soomaalidu waxeey ku maah maahdaa " ninba talaabtiis ayuu tilaabsadaa" islama simi karno waddamada deriska ah oo waad ogtahay taas qof kastoo soomaali ahna wuu ogyahay

    ReplyDelete
  31. Allaha u naxariisto marxuumka lkn Yusf waxaad ogaataa in nafta bini aadamka waqti leedahay ilaaheey ugu talo galay oo aysan dhaafeeynin. Qoraalkaada waxaan ka fahmay inaad dhaliishantahay sida loo maareeyey la tacaalidda xanuunka saaxiibkaa lkn aysan marna dhaafi laheey waqtigiisa haddii xataa cisbitaalka aduunka ugu wanaagsan lagu dabiibi lahaa. Meeqa ayaan aragnay cisbitaalada ugu horumarsan aduunka loo qaaday hadana uun ugu dambeeyn geeriyooday oo aysan waxba u tarin. Cusbitaalada soomaaliya runtii wax badan ayeey ka tayo wanaagsanyihiin marka loo eego sida ay ahaayeen 10-15 sano ka hor soomaalidu waxeey ku maah maahdaa " ninba talaabtiis ayuu tilaabsadaa" islama simi karno waddamada deriska ah oo waad ogtahay taas qof kastoo soomaali ahna wuu ogyahay

    ReplyDelete
  32. Allah hau naxqriisto walalkeen Mascuud.
    Tedakale Somalida waxan kula talinaa iney joojiyan dhaleeceenta aan xaqiiqda dhabta ah ku dhisneyn sababto ah walalheyn Turkiga we ino dadaaleen. Ninkii awoodiisa tahay ino wax kale oo ka wanaagsan adeega aan hada heysano inp keeno war looma baahno Xamar we weyntahay ee meel an digfeer eheyn into furo adeeg midkan ka wanaagsan hau keeno shaxabka

    ReplyDelete
  33. Allaah ha u naxariisto walaalkeen samir iyo iimaana haka siiyo ehel, saaxiib iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ee uu ka baxay, tan kale walaal Yuusuf adigana waad ku mahadsan tahay baraarujinta iyo iftiiminta dhibta jirta ee lagala kulmo marka ay timaad baahi caafimaad ee weliba aan wax lagaga qaban karin gudaha.
    tusaale: aniga waxaan goobjoog u ahaa ilaa saddex kiis/xaalad oo tan aad soo sheegtay lamid ah mid ka mid ah muddo sadex bilood ka hor ayaa codsi laga gudbiyay welina lagama jawaabin waana taagan yahay kiiskaas/xaaladaas ogaalkey...
    FG calaacal waxba mataro ee wax qabad ayaa muhiim ah.

    ReplyDelete