Total Pageviews

Monday 15 February 2016

Caanaha Soomaaliya xaggee mareen?

Waxaan ka mid nahay dalalka adduunka ugu badan dhaqashada xoolaha - ari-cad, ido, lo' iyo geel. 
Gaar ahaan waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya in ay adduunka ugu geel badan tahay.
Hadda ka hor aniga oo safar baabuur dalka ku maraya waxaan xusuustaa magaalo aan istaagnay si aan shaah uga cabno. Caddays markii aan dalbaday waxaa la i weydiiyay nooca xoolaha aan rabo in caanahooda la iigu caddeeyo.
Muqdisho waxaan xusuustaa iyada oo caanaha lo'da la rukunto, oo markaas subax walba guryaha la isugu keeno marba inta aad dalbatay.

Hadda inkasta oo aan marmar arko baabuur yar oo sameecada leh oo Caano Geel naadinaya xaafadaha dhexdooda, haddana waxaan arkay isticmaal badan oo caana boore makhaayad iyo guriba.
Haddaba yaa ii sheegi kara sababta Xamar meelo badan looga cabbo, shaaha iyo qaxwadana loogu caddeysto caano boore dibadda looga soo gaday lacag adag?

4 comments:

  1. Waa Dameeri Dhaan Raacday Maba Kala Oga Waxay Kala yihiin Kaliya Waxay Fiirsanayaan Sawirka Saca Haga Weynaha Ah Ee Meesha zka Muuqda

    ReplyDelete
  2. Waa su,aal da, weynoo madaxa daalineysa. Mahadsanid yuusuf

    ReplyDelete
  3. Hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo su'aashaas muhiimka ah. Marka koowaad waxaa igu maqaalo ah

    1. In xoolihii dalka ku si yaraanayaan oo hilibkii aad qaali u noqday. Caanihina sidoo kale, Sababta? Meelo badan oo ka mid ah koonfurta dalka abaaro iyo colaado badan oo dabo dheeraaaday dartood dadkii reer miyiga ahaa oo barakacay kuwo ku nool xeryo qaxooti dalka gudahiisa iyo dibadiisa iyo kuwo reer magaal iska noqdayba. Qaar badan o ku noqon lahaa deegaanadoodana fursad uma helin nabad la'aan iyo jeeb xumo.
    2. Wadooyinka oo burburay ama xermay colaad darteed. Taas oo aan saamaxeyn in caanihii la gaarsiiyo magaalooyinka meelaha qaar ama xilliyada qaar.
    3. Caanihi waxaa la wareegey gacansato. Waagii hore xoolo dhaqatada iyagaa caanaha soo safrin jiray oo magaalooyinka keeni jiray. Hada tusaale Muqdisho waxaa suuqyada fadhiyo ee caanaha iibinaayo ma'ahan dadkii reer miyiga ee waa haween gedisley ah oo jeegag waaweyn caano ku iibinaayo. Baaburta caanaha keentaa inta badan lama socdaan reer miyigii waxey sidaan caano loo wado gedisley. Waa nooc cusub oo ganacsi ah una wanaagsan xoolo dhaqatada oo intii ey ku safri lahaayeen wado amnigeeda lito hadana burbursan subax walbo kuna soo noqon lahaayeen galab/habeen walbo oo maalintooda oo dhana fadhin lahaayeen suuqa waxey si fudud ku heleen dad kala wareega caanahooda oo sii iibiyo.

    4. Caano booraha aad sheegtay waxey heystaan ganacsato maalqabeen ah oo dalka soo geliyey oo kharasha badana ku bixiya suuqgeyntooda. Waxaa laga xayeysiiyaa radiyo yaasha iyo taleefishinada. habeen iyo maalin.

    Nasiib darro ganacsatadeenu ma ogola in ey xoolaheena horumariyaan ama caanaheena warshadeeyaan oo iibiyaan. Taas waxaa uga sahlan in ey lacag adag dibada uga soo iibiyaan caano boore kadibna noo xayeysiiyaan.

    Nasiib daro arinta ganacsaatadeena waxey isoo xusuusisey maalin aan wada shaqeyneyney nin cadaan ah meel yurub ka mid ah uu igu yiri, Maanta waxaan cabayaa shaahi Turki ah si qoys reer turki ah ey ilmahooda ugu helaan fursad ey iskuul ugu diraan. oo uu dabcan ula jeedey, markaan producti gooda iibsado lacag bey iga helayaan/macaashayaan.

    Mida kale xoolo aan daryeel iyo daawo heysan. deegaankii ey ku noolaayeena nabaad guur ku dhacay abaaro iyo daryeelxumo dartood. Loona dhaqanaayo sidii awoowyaasheen qarniyaal ka hor, in tiro iyo tayo ahaan ey is dhimaayaan ma shaki baa ku jiro?

    Intaas oo muskilado ah iyo in kale oo ka sii badan ayey iniga ila tahay in ey sababtay caano yarida aad dareentay

    ReplyDelete
  4. Intaan ogahay waxaa badan Caanageelka lagu cadeysto Shaaha 70%

    ReplyDelete