Total Pageviews

Sunday 28 February 2016

Garo Geesigaaga

Waxaan qirayaa geesinnimada ciidankii naftood hurayaasha ahaa ee baabuurtii qaraxyada siday fashiliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay inta aanay gaarin bartilmaameedka ay doonayeen in ay qarxiyaan Jimcihii 26 Febraayo. 

Askartaas oo ayagu naftooda huray, waxay badbaadiyeen dad aad uga badan inta hadda ku dhimatay weerarka. 

Waxay mudan yihiin in uu Qaranku u aqoonsado dadaalkooda oo ay ku bixiyeen qiimaha ugu badan ee qof bani'aadam ahi uu huro, kaas oo ah nafta.  Waxaa Ilaaheey ku guuleeyay in ay badbaadiyaan dad badan oo aanay aqoon, ayaguna hadda aan ka warqabin waxa laga maray in ay maanta noolaadaan oo ay qoysaskooda la joogaan. Intii khatarta u bareertay ee is hor taagtay qaraxa iyagu ma badbaadin, sidoo kale Soomaali badan oo aagga ku sugnaa.

Askartii dhimatay waxay mudan yihiin in magacyadooda la xuso, qoysaskoodana uu Qaranku meel saaro.

Mar kasta oo aan Xamar ku arko askari waddo dhex taagan ama ag fadhiya oo baabuurta baaraya, inkasta oo uu qori sito, qaarna bastoolad iyo middiyo u dheer yihiin, haddana waxa aan dareemaa in waxa keliya ee uu dadka ku daafici karaa ay tahay naftiisa oo uu huro. Sababta oo ah nooca dagaalka Muqdisho ka socdaa ma ahan mid nin qori haystaa uu joojin karo isaguna uu ka badbaadi karo.

Waxaad arkeygaa marka qarax dhaco ee askari meel fatash ah taagnaa uu ku dhinto, maalin ama laba ka dib askari kale ayaa taagan oo asaga oo og meeshii uu saaxiibkii ku danbeeyay.

Qaarkood qashqashaad la'aan ma ahan, qaarna shaxaad ayay dadka ku dhibaan. Laakiin ujeeddadu intaas wey ka weyn tahay kana muhiimsan tahay.

Askariga dariiqa taagani halista wuu ogyahay, waana naftii hure u bareeray in uu naftiisa ku daafaco shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Iyagana Allah ha ka dhigo kuwo garashadeeda la yimaada oo mushaarka, daryeelka iyo qaddarinta askariga Soomaaliyeed aanay mugdi iyo muran toona gelin. 

6 comments:

  1. Xaqiiqdu waxay tahay in ay ku dhinteen difaaca dadkooda iyo dalkooda ayaga oo awooda inay naftooda ka badbaadiyaan dhibatada ayey u bareereen oo u dhinteen taas waxaan dhihi karaa waa astaan wadaniyadeed iyo dameer wanaag

    ReplyDelete
  2. Xaqiiqdu waxay tahay in ay ku dhinteen difaaca dadkooda iyo dalkooda ayaga oo awooda inay naftooda ka badbaadiyaan dhibatada ayey u bareereen oo u dhinteen taas waxaan dhihi karaa waa astaan wadaniyadeed iyo dameer wanaag

    ReplyDelete
  3. Hadalkii adigaa dhameeyey.

    Waxaan ku darsan lahaa Hay'adaha Amniga Dawlada Federalka ah oo hada inta kaliya aan ogahay ay tahay in ay Muqdisho ka shaqeeyaan waxay amnigii ku wareejiyeen Gobolka Banaadir. Wasaarada Aniga waa iyada tan mas'uulka ka ah amniga loo tababaray dhaqaalahana lagu siiyo kaliyana Muqdisho bay ka shaqeyn jireen haday Gobolka Banaadir oo aan u tababarnayn lagu wareejiyey hay'ada Amnigu ma Hargeysa iyo Garoowe bay ka shaqeynaysaa?

    ReplyDelete
  4. "Duudow adigaan kuu xil hayay" Ilaahey ha noogu deeqo madax garasho leh.

    ReplyDelete
  5. Waxan leenahay ilahay ha unaxaristo geesiyaashi ku naf waye ayago difaacaya dadkooda iyo ilmahooda runti waa arin lagu farxo in qasaraha dadbada so gari laha inay dhabarka u dhigtan waa arin taariikh ah runti waan lagu xusi doona taariikhda soomaaliyeed waa lo baroordiqi doona geesiyaashi is hortagay garaxi lagu baa'bin rabay dhalinyaro wayeel iyo caruur, hooyooyin ee lagu tala galay in lagu qarxiyo beerta nabada oo aan ognahay inay ku dhamashadan jimacaha dhalinyarada wayeelka iyo caruurta hooyooyinka si ay u dareeman in dalkooda uu nabad yahay walahi wiilasha naftooda u huray shacabka soomaaliyeed waxaa xaqiiqo ah in taariikhda soomaaliya ay bahal dahab ah ka gali doonan waan malin aaan la iloowi doonin guul inta rabto inay bad badiso shacabka soomaaliyeed

    ReplyDelete
  6. Intii Ku dhimatay ilaahey Naxariisti Jano Haka Waraabiyo Madaxdana waxaan Dhihi Lahaa Waxa aadku Joogtan we Aad Ku Tamash Leyneysaan Waa Dhiiga Iyo NAFTA ee idiin Hurayaan Askariga Soomaaliyeed Xaqiisana Alaha Idin Gelinsiiyo

    ReplyDelete