Total Pageviews

Monday 29 February 2016

Siyaasadi waa Maxay? Jawaabta Cabdi Muxumed Amiin

Cabdi Muxumed Amiin oo ahaa mufakir, hal abuur, bulsho kiciye, jilaa iyo jabhad ayaa hadda ka hor gabay dheer oo uu tiriyay waxaa ka mid ahaa qeyb uu ku kala caddeynayo waxa aanay siyaasaddu ahayn iyo waxa ay tahay. 

AUN Cabdi Musumed waxaan ku qiyaasay in uu gabaygan aan qaar ka soo qaatay uu tiriyay horraantii sagaashanaadkii.

Wuxuu yiri:



Dab munaafaq shiday wuxuu gubaa cido ka dimmoone
Badawnimo jidkey kaa duwdaa oo duur ku marisaaye
Waxay kaa dabooshaa indhaha oo wey ku dilataaye
Dariiq oodan bey kuu tustaa dow haloosiyahe
Goortaan derbiga taabannaan dib u riyoonnaaye

Siyaasaddu dagaal keliya iyo daabbad wado maaha
Siyaasaddu qabiil didaya oo dooxataa maaha
Siyaasadu dakana leysu qabay dabaggalkeed maaha
Siyaasaddu ris doofaar ka kacay daaqso ido maaha
Siyaasadu dareenkoo lumiyo dowdarnimo maaha
Bililiqo in aad doonatiyo dumarka boob maaha
Dadka oo la liidiyo adoo door isbida maaha
Dabarkoo la goostiyo sidii duunyo carar maaha
Tuug derejo in uu  yeesho oon deysannaa maaha
Qabiil waa wax dumiyee in uu nala degaa maaha
Dadnimadu in Qarankeen dumo oon cidi daneyn maaha

Waa dabacsanaan iyo waxgarad lagu dareeraaye
Danta gaara oo laga tagiyo iyo daacadnimo weeye
Soomaalinnimo loo dabcoo leysku dumo weeye
Taan dunida eegno oo masayr uu na dilo weeye
In aan dowlad noqonno oon wax kale cidi daneyn weeye
Dhaqaalaha dalkoo loola kaco dowga mudan weeye
Dibad raashin laga keenayoo idilba diid weeye
Dalaggaaga beeroo cuntada soo daldalo weeye

Haddii kale dadnimadeen luntaye duugga bal aan eegno.

16 comments:

  1. Fadlan aragtidaada isla boggan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. "...Dadka oo la liidiyo adoo door isbida maaha
    Dabarkoo la goostiyo sidii duunyo carar maaha
    Tuug derejo in uu yeesho oon deysannaa maaha..."
    ALLAH ha u naxariisto, Cabdi Muxumed. Wuxuu aad ugu wanaagsanaa oo uu malahayga uguba horreeyay abaabulka iyo kicinta bulshada.

    ReplyDelete
  3. Yusuf Garaad walaal anigu siyaasad waxaan u aqaan dajinta qorshe lagu maamulo dal iyo dad kaas oo ujeedkeedana uu noqon horumarinta dadka iyo dalka.

    Lkn waa ay dhici kartaa in dadka qaar wax kale u yaqaaniin.

    Abdi Muhummed gaygiisana aad baan ugu riyaaqay sida xaqiiqada ah ee uu ula hadlay Somalida siday siyaasad u taqiin.

    ReplyDelete
  4. Yusuf Garaad walaal anigu siyaasad waxaan u aqaan dajinta qorshe lagu maamulo dal iyo dad kaas oo ujeedkeedana uu noqon horumarinta dadka iyo dalka.

    Lkn waa ay dhici kartaa in dadka qaar wax kale u yaqaaniin.

    Abdi Muhummed gaygiisana aad baan ugu riyaaqay sida xaqiiqada ah ee uu ula hadlay Somalida siday siyaasad u taqiin.

    ReplyDelete
  5. Waa dhamayey, abwaanku siyaasad xumada waa tan somaliya dib u riday.

    ReplyDelete
  6. AHUN abwaanka wa gabay waano iyo wax usheeg ah, lakin dhagihi lagu maqli laha ayu u bahanyahay.

    ReplyDelete
  7. Waa hadlay abwaanka yaase maqlaayo

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. marka hore ilaahy ha u naxariisto cabdi muxmed amin fasiraada uu ka bixiyay siyaasad waa sax waa laga yaabaa iney wax ka dhiman yihiin lakiin ita uu sheegay waa sax lkn suasha meesha taala wexey tahay YUUSUF GARAAD waa nin caqili ilaahay siiyay ee siyaasiyiinta ma noo waanisid ood seminaro u qabatid ileen waa dad aan dux iyo imaan laheyn kuwa hada iga hormuuqda ilaahy kuwa ka fiican hanoogu badalo

    ReplyDelete
  10. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  11. uug derejo in uu yeesho oon deysannaa maaha
    mashallah mr garad waa gabay ka hadlaaya marxalada dhabta ah ee dalku kujiro iyado ku salaysan siyaasad xumada dawlada

    ReplyDelete
  12. Yuusuf Garaad sxb Xili aan habooneyd ayaad soo daliilsatay Suugaanta Cabdi Muxummed Amiin (Alle ha u naxariiste).
    Dowladnimada Soomaaliya waxaa udub dhexaad u ah in dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir loo qaybiyo jufooyinka beesha Hawiye. Waxaa jiro Tiirar ay ku istaagayso dowladnimada Soomaaliya oo aan hoos ku sharaxeyno.

    ===Tiirarka Dowladnimada Soomaaliya===

    Dowladda Federalka ee xarunteeda tahay Muqdisho (Villa Somalia) waxay ahamiyad gaar ah siineysaa in la taaba geliyo qodobada soo socdo:
    1- In dowladda taageero buuxdo la garab istaagto ciidamada SNA inay noqdaan 90% beesha Hawiye.

    2- Ciidamada SNA (ciidamada Hawiye) waa inay barakiciyaan dadka hadda deggan magaalooyinka Afgooye, Marka iyo Baraawe si goobaha laga barakiciye loo soo dejiyo shacabka beesha Hawiye ee la rajeynayo in laga soo raro gobolada dhexe.

    3- In ciidamada Hawiye iyo siyaasiyiinta Hawiye si wadajir ah ula dagaalamaan beelaha aan Hawiye ahayn ee isku hubeynayo Shabeelaha hoose.
    4- In la isku xiro dhalinyarada Hawiye ee ka tirsan SNA iyo kuwa ku jiro Alshabaab si ay iskaga kaashadaan in magaalooyinka Marka, Baraawe iyo Afgooye laga saaro beelaha hadda ku magacaaban gudoomiye-yaasha degmooyinka isla markaasina ka shaqeeyaan sidii loo soo dejin lahaa deegaanadaasi dad ka soo jeedo beelaha Hawiye.

    5- Waa in la dhiso wado isku xirto Hobyo iyo Muqdisho.

    Dowladnimada Cabdi Muxumed Amiin uu ka hadlaayo ma ahan mid u cuntameyso beesha Hawiye ee madaxweynaha ka ah Soomaaliya.

    ReplyDelete
  13. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  14. AUN Abwaanku wuxuu nogu mariyay gabaygan inan siyasadu ahayn wado laysku halaago balse ay tahay wadada midnimo,iskashi iyo horumar...wa gabay mudan in lagu darso manhajka waxbarasho ee dalka....

    ReplyDelete
  15. Xaqiqada saxda ah u ka hadlay abwaankas ale haunaxariste lkn manta sida siyada xun u ku tilmaamay an siyasada fican modna qabil, isjecleysi,dhaqalo lunsadho,wadaniyad la,an wax qabsi la.aaan intas an heyna alow somali hormarka tus.

    ReplyDelete
  16. AUN abwaanka maantaadba moodaa inuu noolyahay oo uu cabirayo waxa nahaysta, wax wanaagsan waan isku sheegi naqaane ilaahow quluubaheena wanaaga u dhaadhici, nooga dsrimaysoo markii dadka wanaaga sheega ay bataanba rajadeenu waa soo dhawaanaysaa, soomaalinimada waxa u horeysa oo isku kaaya soo jiidi karta markaan isku hiilino anaga soomaali ahaan oo aan isla xanuunsano oo aan isku tacsiyeyno markii dhibi gaaro qayb naga mida.

    ReplyDelete