Total Pageviews

Wednesday 10 February 2016

UK oo ka digtay tegitaanka Soomaaliya

Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK ayaa dadka Britishka ah uga digay in ay u socdaalaan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo iyagana tegitaankooda dadka looga digayo haddii aan safarkoodu muhiim ahayn.
Dadka Britishka ah ee degaannada laga digay jooga waxaa lagula taliyay in ay ka tagaan. Kuwa safar aan muhiim ahayn ku jooga Hargeysa iyo Berbera iyaguna waa in ay ka baxaan.
Kooxo argagixso ayaa u hanjabay Reer Galbeedka iyo kuwa u shaqeeya hey'ado reer Galbeed ah. 
Weerarradu waxay ahaan karaan kuwo aan dadka la kala sooceyn oo lala beegsanayo meelaha ay dadku ku badan yihiin, Munaasabadaha waaweyn, fadhiyada ay joogaan saraakiil Dowladda ah iyo goobaha ay ajnabigu tagaan.
Maxaa kaaga baxay?

No comments:

Post a Comment