Total Pageviews

Tuesday 1 March 2016

Amnigu Qori ka Qara Weyn

Waddo Hargeysa laga dhisayo
Waa habeen. Waa Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay sannadka 1990. Annaga oo dhowr ah oo howl samafal u soconna ayaan wadannaa gaari 4x4. 

Mugdiga iyo burburka waddada waxaa uga sii daray roob da'ay oo xareeddiisu ay dhulka jiifto. Godadka laamiga ka dhex qodan xareedda ayaa buuxisay oo la sintay waddada inteeda kale. 

Rasaas goos goos ah ayaa dhaceysa. Waxaa dawanka rasaasta sii xoojiyay oo jabaq daba dhigaya rayska iyo hawada cufan ee roobka iyo qabowgu ay sababeen. Amni darradu waa mid baahsan. Cabsida lagama sheekeyn karo. Wax kasta oo loo dhinto ayaad filan kartaa mar kasta. 

Guri ku yaalla meel ka dambeysa meesha ay hadda Madaxtooyada Somaliland tahay ayaan ka soo baxnay. Meel aan sidaa uga fogeyn ayaan u soconnaa arrin habeennimadaas nagu kalliftay darteed.

Waddada aan ku soconnaa waa mid jajaban. Marmar ayaad saqafka ama meel kale oo aadan dooneyn madaxa ama garabka ku dhufaneysaa. 

Anigu waxaan ka welwelsan ahay in meesha aan u soconno aan nabad ku tegi doonno, maaddaama aan wadanno gaariga keliya ee waddada saaran inta isheennu qaban kartay inta aan soconnay.

Nin u dhashay dal Yurub ah oo i garab fadhiya ayaa intaa su'aalo i weydiinaya aan u qaatay in uu cabsida isku moogeeysiinayo. Laakiin anigu sheeko diyaar uma ahi. Jawaabaha qaar aan siinayo waa kuwo u dhigma in aan leeyahay saaxiib hadalka iga daa. 

Markii dambe ayuu i weydiiyay su'aal iga yaabisay - Maxaad waddooyinka isaga dhisi weydeen?

Su'aashani ma ahan mid aan filayay. Waan garan waayay wax aan ka iraa iyo meel aan jawaabta uga billaabo. 

Si aan isu dhaafiyo ayaan ku iri rasaasta korkeenna ka dhacaysa sow ma maqashid? Xilli dagaal ayaa lagu jiraa ee xilli dhismo ma ahan.

Wuxuu igu yiri waddooyin xumada lagu rafaadayo ayaa ka mid ah waxa idiinkugu wacan dib u dhaca iyo weliba xanaaqa iyo colaadda. Waxaas oo dhan ayaana dagaalka uga sii daraya.


Maanta waa 2016


Ma aqaan sababta laakiin mar kasta hadalkii ninkaas, oo habeenkaas macna darrada iigu muuqday, wuu igu soo maaxdaa. Ma ahan in aan ka hadlayo waddada oo keliya, laakiin amnisugid waa mid aad uga ballaaran dagaal. Askariga iyo qorigiisu aad ayay muhiim ugu yihiin amniga. Laakiin keligood howsha kuma filna.

Gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo inta badan cakirnaa tan iyo berigaas. Kuwaas oo muwaaddin Soomaali ah ka sokow, ay inta badan shaqadeydu ahayd wargoobkooda, la socodkooda, baaritaankooda, falanqeyntooda iyo odorskooda.

Dalkeenna mowduucii aad ka hadal maagto in uu waxqabad u baahan yahay ha ahaado fursad u abuurista shaqo ee dhallinyarada, xaqdhowrka xuquuqda aadanaha oo maxaabbiistu ay ku jirto, kobcinta dhaqaalaha, xeer u dejinta saxaafadda, ganacsiga iyo waxbarashada, horumarinta fanka, dhaqanka iyo Sportiga iyo dhismaha waddooyinka waxaad arkeysaa dad waxaas u arka faakiheysi iyo qof kibray hadalkiis. 

Waxay soo hadal qaadayaan arrimo kale oo wax ka qabasho deg deg ah u baahan sida amniga, tahriibka, qaxootiga, barakaca iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Waxaa naga maqan in aan dadka oo dhami isku hal dhinac culeyska saari doonin isla markaana aanuu isku xirfad iyo aqoon ahayn, wakhtiguna aanuu na sugeyn. Markaa ay habboon tahay in howluhu ay isku dhinac socdaan.

Aragtideyda, tayaynta iyo baahinta waxbarashada, shaqaaleynta dhallinyarada, adeegga caafimaadka, dhowridda xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga, kobcinta dhaqaalaha, tababbarka suxufiyiinta, la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo ganacsatada, xakameynta laaluushka iyo musuqmaasuqa, horumarinta fanka iyo Sportiga intuba waxaa ay qeyb ka yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida wakhtiga dheer.

Arrinta ay tahay in degdeg wax looga qabto sida is hortaagidda weerar argaggixiso iyo gurmadka abaauruhu ma ahan in ay sabab u noqdaan in la baajiyo ama ay dib u dhacaan wax ka qabashada arrimaha kale ee muhiimka ah ee wax ka qabadka u baahan ase aan deg deg ahayn.

Waa in ay suurta gashaa in kuwa gurmadka deg degga ah inta ay dad ka shaqeynayaan in dad kalena ay ku howlan yihiin kuwa aan deg degga ahayn laakiin muhiimka ah.

19 comments:

  1. Aad ayaa kaaga mahadcelineynaa talooyinkada wax ku ool ka ah.

    ReplyDelete
  2. warbixin hab qoraal fiican dareen keedana le xaqiiqada taabanaysa qormooyinkaagu iguma jiraan qoraalada oo dhan maxusuusto qoraal aad soo qortay oo anan akhrin mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  3. Waad mahadsantahay mundane ,waa arin jirta balse siyaasiyiinteena Maxy San dadkooda u dareensiin Karin wadaniyad ficil ah oo aan. Ku xirneen sharuud

    ReplyDelete
  4. Waa wax jira oo sax ah hadane leeska indha tiro, waxaa haboon erayga priority inaan meesha ka saarno inta aan dadkeena wax kaga qabaneeno waayo dadku osku wada xirfad maaha qof walba xirfadiisa gaar ahaaneed ayuu wataa ayada ayuuna wax ku qaban karaa yaanan la.dib dhigan waxa maanta inoo yaala

    ReplyDelete
  5. Waaa faalo ama warbixin qiimo iyo qaayo leh kana turjumaysa xaqiiqada jirta daahana ka faydaysa waana mid taabanaysa shakhsi kasta oo soomaliya
    Waxana Amiga igusoo jiidatay ciwaankeeda sharaxaada guud ka bixinaya ee ah ,, amnigu qori ka qarawayn,,

    ReplyDelete
  6. Waxaan maqlay sheeko quseeso shiikh masaajid tujin jiray markuu minbarka ku istaagana daleeceyn jiray dowladda, markii kadib ayaa xil laga siiyay dowladdii kadib waxuu joojiyay daleeceynta iyo wax ka sheegidda dowladda. Markaasa la weydiiyay oo la yiri "nin yahow maxaa ku helay soo taa adiga wax ka sheegi jirag dowladda maanta maxaa afkaagi helay"?. Waxuu ku jawaabay "adeerayaalow manbarka masaajidka iyo manbarkaan isku mid ma aha"!!!.

    ReplyDelete
  7. Marka aan daalacanayo ama aqrisanayo qormooyinkaga mudane waxaa igu labo'laama wadaniyada iyo jacaylka aan dhulka somaliyed u qabo. Qarniyaba ha qaadatee Riyadaydu waa somaali oo hagaagta insha allah. Mahadsanid

    ReplyDelete
  8. Waa Qormo Aad U Qiima Baddan
    Amnigu Waxu Ka Midyahay Tiirarka Nolosha Kuwooda Ugu Muhiimsan

    Dalku Mahagaagayo Inta Diinta 1Koowaad Qabyaalada Tahay
    Diinta Islaamkuna Waddo Ku Marka Tahay.
    Mahadsanid Muddane

    ReplyDelete
  9. Sida aad sheegtay weeye mudane,noloshu ama dib udhiska dalku mahan ku mashqul lida hal dhinac ismoogsinta intii kale, fadlan qormadan lawadaag Madaxtooyada Soomaaliya o waliba sidi ina shaqo codsanaysid dadaalka ugali lahayd mid lamida gali waa wax tar qiimo leh aad dadkaga utartay. Mahadsanid

    Waa Cabdimajid Hussein Arab jooga Garoowe.

    ReplyDelete
  10. Waa run wadooyinka waxaa lagu tilmaamaa Halbawlaha Nolosha Aadamaha....

    ReplyDelete
  11. RUNTII YUSUF WAXAD AAD II XASUUSISAY ANIGA OO BARIGAA KU NOOLAA G.AWDAL WAXAN XASUUSTAA DHACDOOYIN U EG KUWA AAD NOOGA SHEEKAYSAY XOOG AYAN UGA MURUGOODAY QAYBTA HORE EE SHEEKADAADA
    HASEYEESHEE WAXA HADANA IGA FARXISA IN DHULKII HABEENKAA CAYNKAAA AHAA AY MAANTA YIHIIN NABAD LAAMIYO IYO LIGHT

    ReplyDelete
  12. Runtii aniga waxaan aaminsanaa in mudnaanta amniga lasiiyo lkn qoraalkan fikirkayga ayuu wax weyn kabadalay
    Thanks Mudane

    ReplyDelete
  13. Waa faalo muhiim u ah soomaalida , mahadsanid mudane ex wasiirka arrimaha dibadda

    ReplyDelete
  14. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  15. Mahadsanid Yusuf-garad aqoonta aan bloggaagan ka faa'idey inta ay le'egtahay masoo koobi karo.

    Sidoo kale qormadani wax badan ayay ka beddeshay fekerkii iyo aragtidaydii hore ee aan ka aamminsanaa amniga.mahadsanid mar labaad.

    ReplyDelete
  16. ma sha allah shukran waxbadan ayaan ka faidaystay hadalkaaka.


    Somaliyeey Nabad-Somaliyeey Nabad-Somaliyeey Nabad-Somaliyeey Nabad-

    ReplyDelete
  17. ALLAH ka jaasaai siiyo mudane garaad

    ReplyDelete