Total Pageviews

Thursday 3 March 2016

Digaagga iyo Ukunta

Ma ogtahay digaagga lagu cuno makhaayadaha waaweyn ee Muqdisho iyo Hargeysa in laga keeno Brazil asaga oo xargagay?
Mase ogtahay in ukunta lagu cuno Hargeysa laga keeni jiray Yemen?
Markii Yemen dagaal ka dhacay Hargeysa waxay billowday in ay digaag dhaqato si ukun loo helo. Laakiin weli digaagga la cuno waxaa laga keenaa Brazil isaga oo soo maray Dubai.
Fursad weyn ayaa halkaa ka bannaan. Yaa digaag dhaqan yaqaan?
29-ka km ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye waxaa 1991 ka hor ku yaallay dhowr beerood oo waaweyn oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaarna ay Dowladdu lahayd kuwa kalena ganacsato.
Sawirka hore: Xannaano digaag oo ku taal, Santa Catarina, Brazil.

No comments:

Post a Comment