Total Pageviews

Thursday 17 March 2016

Hambalyo Danjirayaasha Cusub

Hambalyo diirran ayaan u gudbinayaa dhammaan Danjirayaasha Soomaaliya ee maanta uu magacaabay Golaha Wasiirradu. Waxaan u wada rajeynayaa in ay ku guuleystaan xilalkooda, korna ay u qaadaan danaha Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Cabdiraxman Shiikh Ciise oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee militeriga Soomaaliya muddo dheer lana soo shaqeeyay intooda badan Taliyayaasha militeriga Soomaaliya kuwa ugu magaca weyn. Xilal sare oo qaarkood xasaasi yahay ayuu ka soo qabtay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Gaashanaadhigga labadaba.

Waxaan maqlay in uu ka mid yahay saraakiisha ku dhaawacmay difaaca dalka hooyo sannadkii 1977. Xabbaddii isu martay isaga iyo Taliye ay gaari wada saarnaayeen waxay dishay Taliyihii, Gaashaanle Sare, Daahir Khaliif Xaashi, Allow u naxariiso. 

Cabdiraxmaan Shiikh Ciise oo hadda ah La Taliyaha Difaaca ee Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Madaxweynaha kala qeyb galay shirar badan oo caalami ah iyo wadaxaajood uu la galay Madaxweye ama hoggaamiye dal kale. 
Taliye Daahir Khaliif Xaashi AUN

Wuxuu ii sheegay Cabdiraxmaan in uu 12-kii Oktoobar 1954 ka mid ahaa arday laga soo ururiyay Dugsiyada Muqdisho si ay uga heesaan munaasabaddii calanka Soomaaliya lagu soo bandhigay markii ugu horreysay ifka.

Waa uu muteystay, ayaan qabaa, in hadda uu Calanka Soomaaliyeed ka babban doono Xafiiskiisa, Gurigiisa iyo gaariga uu ku shaqo tago gafuurkiisa. 

Cabdiraxmaan waxaa uu wax ku bartay dalka gudihiisa iyo akademiya militeri iyo Jaamacado ku yaalla dibadda - Bari iyo Galbeedba.

Dhakhtar Sare, Dr. Cabdullaahi Fidow oo ka shaqeeyay Kuwait iyo UK oo ay iskuulka wada dhigteen wuxuu ii sheegay in Cabdiraxmaan Shiikh Ciise uu mar kastaba ahaa waxa loo yaqaan A student ama arday waxbarashada ku wanaagsan oo aalaaba ugu dhibcaha badan imtixaanka.

Cabdiraxman aabbihii waxaa uu ka mid ahaa Madaxdii SYL.

F. G. Col. Daahir Khaliif AUN, walaalkiis Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo hadda ah Agaasimaha Heritage ayaan ka helay sawirka iyo Taliyihii Hore ee Booliiska, General Saacid oo uu adeerkiis ahaa oo isaga aan ka hubsaday mucaluumaadka dhacdadii 1977 qaarkood. Labadaba waan u mahadcelinayaa.  

No comments:

Post a Comment