Total Pageviews

Friday 4 March 2016

Kaalintaada Samatabixinta Soomaaliya

Haddii adiga oo kara aad gacmaha ka laabato Soomaaliya. 
Haddii aad la bakhiisho jeebkaaga. 
Haddii aad goosato in aan wakhti kaa gelin. 
Haddii aad ka baaqsato in aad talo ku darsato. 
Haddii aad ka gaabsato in aad murashax taageerto. 
Haddii aad doorbiddo in aadan dalka taladiisa waxba ku darsan. 
Ogow waxaad si bareer ah u goosatay in ciddii rabtaa ay dalka sida ay doonto ka yeesho.
Haddii aad intaa go'aansatay, sidaa ku qanac oo cidna ha ku eedin wixii laguu soo gooyo iyo sidii dalka laga yeelo.
Haddii kale, ka qeyb galkaaga samata bixinta Soomaaliya waa muhiim ee si uun gacan uga geyso. Dalkaaga iyo dadkaagu waa ay kuu baahan yihiin ee cidna ha ku halleyn. Si deggan u fiirso oo tallaabada kula gudboon qaad.

No comments:

Post a Comment