Total Pageviews

Thursday 3 March 2016

Ku-Simayaasha ku-Simayaashooda

Qormadani waxay ahayd 27 Febraaryo 2016
Madaxweynuhu wuxuu dalka uga maqan yahay safar shaqo. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dastuurku sida uu qabo ku sime u noqon lahaa isaguna dalka shaqo ayuu uga maqan yahay.
Ra’iisal Wasaaruhu safar shaqo ayuu isaguna ku maqan yahay. Sidoo kale ku xigeenkiisa oo xilka ku simi lahaa isna shaqo ayuu ku maqan yahay. Wasiirka Garsoorka oo Ku Sime Ra’iisal Wasaare ahaa isaguna shaqo ayuu dibadda ugu baxay.
Labada xil ee xag maamul dalka u sarreeya waxaa haya Ku Simeyaal ku sii Simayaashood, Xilkii Golaha Sharci-dejintana waxaa haya Ku Sime.
Wasiirro badan oo kale ayaa iyaguna dibadda ku maqan iyo Madax kale oo qaar Difaaca ahi ay ka mid yihiin.
Shaqada dalka dibaddiisa laga qabtaa waa muhiim, sidoo kale iyo ka badan tan guduhu. Laga wanaagsan in Madaxda waaweyn oo dhami ay dalka isku mar ka wada maqnaadaan.

No comments:

Post a Comment