Total Pageviews

Friday 18 March 2016

Middi Caag ayaa beddeshay Middi Bir ah

Waxaan bogaadinayaa Maamulka Gegida Dayaaradaha Adan-Cadde ee Muqdisho, inta ku luh amniga gegida iyo maamulka makhaayadda gegida oo middiyaha makhaayadda u beddelay kuwo caag ah si loo dhimo khatarta ay u keeni karaan rakaabka iyo shaqaalaha dayaaradaha ka duula gegidaas.

7 – dii bishan March ayay ahayd markii aan daabacay sawir aan ka qaaday middiyo bir ah oo lagu adeegsanayay makhaayadda airporka Muqdisho oo marka laga kaco aan baaritaan kale ka dambeyn ee aad dayaaradda toos u geleyso. Waxa keliya oo ka dambeeya hubinta tikitka iyo baasabboorka.

Maxamed Dhugad oo shalay ka duulay gegida dayaaradaha Muqdisho ayaa maanta ii soo diray sawir uu ka qaaday middiyaha caagga ah ee hadda laga adeegsado makhaayadda kana qoray warbixin kooban.

Labada sawir ee halkan ka muuqda waa middidii caagga ah ee hadda la adeegsado iyo middidii birta ahayd oo hadda la joojiyay.

No comments:

Post a Comment