Total Pageviews

Thursday 24 March 2016

Somaliland: Sidii aan idiinku lisnay Nooguma aydan Hambeyn

Shiikh Xasan Cabdisalaan, oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland ayaa shir saxaafadeed oo uu Guddigu qabtay isagu si gooni ah ula hadlay Soomaalida Koofureed oo uu ugu yeeray Walaalaha Koofureed. Hadalkii uu jeediyay oo aan Video ka daawaday waxay ila noqotay in loo baahan yahay in ay in badani akhristaan.  Sidaa darteed waxaan qoray erayada Shiikha. Isaga oo gar dhiganaya wuxuu yiri:

Shiikh Xasan Cabdisalaan
[Baaq ayaan soo jeedinayaa] oo aan runtii  jeclahay in warbaantuna ay cod dheer ku qaaddo.

Laba sannadood ka hor bay ahayd baan u maleynayaa ama saddex sannadood ka hor, baa halkan, bartan aynu joogno ee Madaxtooyada waxaa looga gurmaday walaalaheenna koofur deggan oo ay abaari ku habbsatay. Mar ka horreysayna waa loo gurmaday oo ay duufaanno qaadeen si kasta ha u dhacdee.

Mar labaadna [duffaanta ka dib] gurmad weyn oo runtii dowladda Somaliland hoggaamineysay xukuumad ahaan, shacabiguna aad uga qeyb qaatay ayaa laga sameeyay.

Waxaa nasiib darra ah walaalahaasi saa loogu damqaday, ee saasi loogu gurmaday, ee gacanta intaa le’eg loo geystay, ee hadhaagii ay kaga tageen akownada aannu ku furnay. Akownada guddida abaabruhu ay immika ku shaqeyso, hadhaagii qaaraankaa berigaa loo ururiyay koofur wixii ku hadhay ayaannu ku billownay.

Waxaa runtii nasiib darra ah ilaa maanta oo aynu hadleyno in aan gambo innaga soo gaadhin, koombo innaga soo gaadhin, dhegle innaga soo gaadhin!

Taasina waxay ka tarjumeysaa uun kala duwanaashaha xagga dareenka.
Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland
Runtii aad baan anigu Baaqaasi kor baan u qaadayaa waa baaq dhaliila, waa Baaq runtii farta aan ku godayo oo aan leeyahay walaalladayo sida aan idiinku lisnay noogumeydan hambayn.  Ama sidii aan idiinku lisnay marnaba meydaan soo eegin.

Waxaaney sheegeysaa uun inteynu isu jirro bey sheegeysaa uun.

Shiikh Xasan Cabdisalaan hadalkiisu waa cad yahay. Waana mid aniga iila muuqda baaq gurmad lagu dalbayo oo aan cilaaq lahayn.

Waxaan rajeynayaa in Soomaalidu ay ka garbixi doonto Shiikha, loona gurman doono dadka ay abaaurhu sida ba'an ugu dhufteen ee dgaannada Somaliland.

Shacab, Dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalkaba waxaan xusuusinayaa mahmaahda Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan loo yiraahdo inta badanna Koofurta laga adeegsado: Saxan, Saxan ku gud. Salaan, Salaan ku gud.

No comments:

Post a Comment