Total Pageviews

Thursday 21 April 2016

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku shiray Ankara

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmay Ankara ka dib markii ay martiqaadday Xarunta Daraasaadka Siyaadaha Dibadda iyo Cilmi-baarista ee Mu’asasada Nabadda.
Waxay ka wadahadleen taariikda kala duwanaashaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Laba maalmood oo dodo ah oo dhacay 19-20 April, kooxdu waxay isla eegeen walaaca iyo doonista ka jirta xaaladda hadda taagan, iyada oo ay goobjoog ahaayeen aqoonyahanno Turki ah.
Waxay is weydaarasadeen afkaar iyo fursadaha Somaliland iyo Soomaaliya ee ay aqoonyahannadu iska kaashan karaan.
Somaliland waxaa ka socday Dr. Xuseen Bulaxn, Maxamuud Cabdi Xaamud iyo Xasan Khaliif. 
Dhinaca Soomaaliya waxaa ka socday, Prof Xuseen Warsame, Dr. Maxamed Shiikh Cali iyo Yusuf-Garaad oo dhammaantood ka muuqda sawirka.
Waxaa sawirka ka muuqda aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin Turki ah sida Ergeyga Gaarka ah ee Turkiga ee wadahadallada Soomaaliya Iyo Somaliland, Danjire Ahmed Riza Demirer.

No comments:

Post a Comment