Total Pageviews

Tuesday 12 July 2016

David Cameron iyo Soomaaliya

No 10 Downing Street, London 2012
David Cameron waxaa uu maanta Guddoominayaa shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada.

Waxaa uu sheegay in uu xilka ka degi doono Arbacada berri ah.

Sawirku waa mar aan hadda ka hor kula kulmay xafiiskiisa Number 10 Downing Street, oo aan ka wareystay Shirkii koowaad ee caalami ah ee uu Soomaaliya u qabtay.

Waxaa uu ahaa Hoggaamiye kor u qaaday hadalheynta Soomaaliya ee Dowladda Britain iyo weliba taakulada Soomaaliya marka loo eego Dowladihii tiisa ka horreeyay.  

Inta uu David Cameron xilka hayay waxay UK ka caawisay Soomaaliya dhinacyada aadminnimada,  amniga iyo diblomaasiyadda.

Cameron wuxuu qabanqaabiyay in markii ugu horreysay ay is hor fariistaan Madax ka socda Soomaaliya iyo Somaliland, ka hor inta aan wadahadalkaas loo wareejin dalka Turkiga oo ay weli ka socdaan.

Waxay Dowladdiisu aqoonsatay in Soomaaliya ay dib u furto Safaaraddeeda London. Waraaqaha Aqoonsiga Danjirennimo ayay Boqoraddu ka Guddoontay Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya matala oo London fariista tan iyo billowgii 1991.

David Cameron wuxuu Safiir u soo magacaabay Muqdisho, wuxuuna xaqiijiyay in Safaaradda UK ay si joogta ah uga howlgasho caasimadda Soomaaliya, halka ay Safaaradaha reer Galbeedka ee qaabbilsan Soomaaliya ay Xafiisyadoodu yihiin magaalada Nairobi.

Waxaan rajeynayaa in Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee xilka UK la wareegeysa berrito, Theresa May, ay halkii ka sii wadi doonto Saaxiibtinnimada labada dal.



Wareysigii BBC ee aan 2011 ka qaaday David Cameron oo Soomaali loo tarjumay halkan ayaad ka dhegeysan kartaa.

Fadlan aragtidaada ila wadaag.

No comments:

Post a Comment