Total Pageviews

Friday 1 July 2016

Hambalyo Soomaaliya

Hambalyo Soomaali oo dhan. 1-da July, waa maalinta Madaxbannaanida Gobollada Koofureed iyo israaca Woqooyi iyo Koofur Soomaaliya.
Waxay ku soo beegantay bil barakeysan, waa Ramadaan. Aan u duceyno Soomaalidii u halgantay Gobannimada, kuwii curiyay iyo kuwii ka shaqeeyay israaca labada Gobol. Waxaan u haystaa in ay himiladoodu ahayd Soomaaliya oo xorowda, israacda oo horumarta. Ilaaheey naxariista Janno ha ka waraabiyo.
Sidoo kale aan ku duceysanno in Ilaaheey nagu wada duwo in aan is nabadgelinno oo aan kala ammaan helno.
Xagga mustaqbalka maaddaama bilaha foodda nagu soo haya la filayo in ay dalka ka dhacaydo nooc doorasho ah, aan ku duceysanno in Ilaaheey dadka Golayaasha iyo kuwa Hoggaanka dalka noo dooraya uu ku duwo in ay codka siiyaan dadka ugu mudan ee ay ka dhab tahay in ay wax qabtaan, kulansadayna maskax iyo miisaan ay khibradi ku daaban tahay oo maareyn kara marxaladda uu dalku marayo.
Aan ka shaqeyno dhammaanteen, in 1-da July 2017, ay Soomaaliya dabbaal degto iyada oo haysata Nabadgelyo buuxda iyo Qarannimo heerka aan maanta joogno, aad uga sii horumarsan dhan walba.

No comments:

Post a Comment