Total Pageviews

Friday 2 September 2016

Habeen kasta Hal Dayaarad

Gegida Caalamiga ah ee Dayaaradaha Adan-Cadde, Muqdisho.
Khamiis 18-kii August waxaan qoray Subax kasta Soddon Dayaaradood. Waxaan uga hadlay tirada dayaaradaha maalin walba yimaada Soomaaliya ee ka soo ambabaxay Kenya iyo tafaasiishooda sida waxa ay sidaan iyo meelaha lagu baaro.

Hadda waa habeenkii. Habeen kasta ugu yaraan hal dayaarad ayaa ka degta garoonka dayaaradha ee Muqdisho iyada oo aan nal ishu qaban karto aanuu u shidneyn dayaaradda iyo dhabbaha ay dayaaraduhu ay ku rooraan midkoodna. 

Ma ahan sir aan baaritaan ku helay.  Waa arrin laga ogyahay Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku beegan khadka ay dayaaraduhu ku duulaan iyo xaafadaha garoonka ka agadhow sida Buulo Xuubeey, Xamar Jajab iyo qaar ka mid ah Waaberi iyo Hodon. Xataa dad deggan Wardhiigleey hoose, Boondheere iyo Howlwadaag oo guryhaooda ku maqlay guuxa dayaaradda degeysa habeenkii oo is weydiinaya ayaan arkay ama aan maqlay.

Dayaaradda fiidmeerta ahi marka ay qaddar saacad ah ama ka badan ay fadhido garoonka ayay kacdaa iyada oo aan nal shidan, dhabbahana aan nal ka shidneyn.

Waxaa soo badanaya is weydiinta dayaaraddaas mugdiga ku degeysaa waxaa ay tahay. Waxa ay siddo iyo waxa ama cidda ay qaaddo.


Ilaa arrintaas ay cidi faahfaahin ka bixiso waxaa socon doona su’aalaha ay dadku is weydiinayaan. Waxaa kale oo iyaguna socon doona  jawaabaha ku saleysan mala'awaalka iyo tuhunka una badan aragtiyada shar-filashada ah oo qaarkood ay gurracan yihiin ulakac ama si kale.

Tuhunkaas gurracani wuu sii xoogeysan karaa ilaa runta la keeno dibadda. Runtu waxay ahaan kartaa mid kooban sida in ay ciidanku sheegaan in ay tahay dayaarad militeri oo ay ka warqabaan howlaheeda.

No comments:

Post a Comment