Total Pageviews

Thursday 15 September 2016

Sri Lanka oo Duumada suulisay

Eranga Jayawardena/Associated Press
Sri Lanka oo wakhti aad u dheer la soo daalaa dhacaysay la dagaallanka duumada ayaa toddobaadkii hore lagu dhawaaqay in ay dalkeeda ka suulisay cudurkaas dilaaga ah ee dadka qaar ay u yaqaannaan malaria. Sidaa waxaa xaqiijiyay ururka caafimaadka adduunka WHO.
Dadka Sri Lanka hal milyan oo jeer ayay duumo ku dhici jirtay dadkeeda sannad kasta, sannadihii 1940-aadkii.
Inkasta oo dhowr jeer ay u soo dhowaatay in ay suuliso duumada, haddana mar ay lacag la’aani ku dhacday iyo mar uu dagaal sokeeye ka qarxay ayaa sabab u noqday in kaneecada oo cudurkan keentaa ay laba kacleyso.
Caalamka dad tiradoodu ay gaareyso 438 000 ayaa duumo u dhintay sannadkii 2015. Dadkaas ay duumadu dishay 90% waxay ku dishay qaaraddeenna Afrika.
Sawirka: Eranga Jayawardena/Associated Press

No comments:

Post a Comment