Total Pageviews

Friday 2 September 2016

Yaasiinka!

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUN
Cabdi Muxumed Amiin AUN wuxuu ahaa mu'allif iyo mufakir aragti dheer oo badiyaa xagga siyaasadda iyo bulshada wax ka yiraahda. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed. Halkan waxaan ku soo gudbinayaa Heestiisa Yaasiinka Yaasiinka oo ah erayo uu isagu curiyay taas oo ah tusaale dhaxal-gal ah:

Anigoo yamaarug yulbinaaya
Anigoo yartedya yaaq la jiifa
Anigoo yamxeerin waxaan yuwaado
Anigoo yureyda waran la yuuban
Minii la yaabo yaasiinka

Jacayl aan yoomaa i yaabiseeyee
Habeen yahoomay Dharaar yabaashay
Wixii an yuuday haddaan yaboohshay
Oo aan ku yeeray duco ha yeedho
Minii la yaabo Yaasiinka

Waxaan ka yaabno yaxaas ha qaado
Dabeyl yulmeysa yuf ha siiso
Yamays ha geyso meel yaahuuyeede
Minii la yaabo Yaasiinka

Yameey yam yeedhaa ma yeella
Yacay yac nabad yaraatay
Haddaan ku yoonnay in aan yagleello 
Minii la yaabo Yaasiinka

Hadda ka hor waxaan soo gudbiyay erayo uu Cabdi Muxumed Amiin tiriyay oo uu yiri "Maxaan Keligeey Hammiyay."

No comments:

Post a Comment