Total Pageviews

Thursday 20 October 2016

Beel mise Khibrad iyo Aqoon?

Marka uu dhismo Gole siyaasadeed oo Soomaaliyeed - mid Baarlamaan ama mid Xukuumadeed, heer Federaal ama heer Goboleed, saxaafadda waxaad ku arkeysaa cinwaan ku dhahaya 'akhriso magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan'.
Ilama ahan in Dhaqankan cusub ee Saxaafadda qoraalka ahi uu yahay mid u adeegaya Qarannimada Soomaaliya. Taa cagisgeed waxaan u qabaa in uu wiiqi karo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha Golaha iyo ama tan kala dhexeysa Shacabka.
Ku sii dar oo waa fadhiidnimo xagga saxaafadda ah. Qofku qabiilka ma dooran kamana bixi karo. Markii uu dhashay ilaa maantana waa lagu sheegayay qabiilkaas. Macna badan ma soo gudbineyso reerka uu yahay in aad war ka dhigto.
Haddii ay jiri lahaayeen beelo dhan oo howl qaban yaqaan iyo kuwo kulligood aan qaban aqoon, ama ay jiri lahaayeen beelo wada daacad ah iyo kuwo wada daacad darro ah macna ayay sameyn lahayd beesha qofka madaxda ah lagu sheego in uu yahay. 
Warka aan u baahan ahay waa in aan ogaado aqoontiisa, khibraddiisa iyo haddii uu geystay dembiyo hore sida xatooyo ama xad gudub xuquuq aadane. Sidoo kale haddii howl hore loogu xilsaaray uu ka soo dhalaalay iyo haddii uu ku fashilmay waan u baahan nahay in aan ogaanno.
Malaheyga marka ay tahay in beelaha laga hadlaa waa marka la tuhunsan yahay in uu sedbursi jiro. Taasna magac iyo beel in la isku hor qoro waxaa ka habboon in tirada guud laga hadlo iyo sida ay sedbursi u tahay.

Adigu ma u fiirsatay? Maxay kula tahay?

No comments:

Post a Comment