Total Pageviews

Saturday 29 October 2016

Rabbiile Good iyo Safarkayagii Kismaayo

Waxaa safar shaqo la iigu diray Kismaayo. Waa 1987. Wasiirka Howlaha Guud, Muuse Rabbiile Good iyo Danjiraha Mareykanka, Frank Crigler ayaa berri furaya wejiga labaad ee Dekadda Kismaayo.

Annaga oo shan weriye ah ayaan barqadii Xamar ka qaadannay gaari GMC ah oo ay leedahay Safaaradda Mareyknku. Gaariga iyo wadihiisa ka sokow waxay Safaaraddu nagu dartay mid ka mid ah shaqaalaheeda Soomaalida ah.

Intii aan waddada dheer ku soo soconnay, meelo dhowr ah ayaan shaah ama raashin u fariisannay. 

Waa xilli roobaad. Xareed ayaa meelaha godan ceegaagta. Neecow macaan oo reys iyo doog ka soo kacday ayaa dhacaysa. Heeso ayaan sameecad cod dheer ku dhegeysaneynaa. Marna sheeko, kaftan iyo dacaayad ayaa socda.

Meesha aan doonno ayaan intaan gaariga ka soo degno isku sawireynaa. Shanteenna, laba waa Telefishinka Qaranka, Mid waa Wakaaladda Filimmada, mid waa SONNA, aniguna waxaan ka socdaa Radio Muqdisho.

Makhribku marka uu dumay ayaan nimid kontoroolka hore ee magaalada Kismaayo oo si xoog leh loo ilaalinayo. Waxaan bar garannay booliiska dableyda ee u khaaska ah Madaxweynaha.

Kismaayo


Waan ogeyn in uu Madaxweynuhu dhowr maalmood ka hor u soo baxay kormeer howleed oo uu Gobollada ku marayo. Wuxuu ku socdaa baabuur kolonyo ah. Wuxuu ka billaabay Shabeellaha Hoose. Ma aynaan ogeyn in uu gaaray Kismaayo.

Waxaan ku degnay Hotelka Waamo. Waa beer weyn. Dhismuhu waa Muddullo qurux badan oo teel teel ah oo mid waliba uu ku fadhiyo bed weyn. Wuxuu leeyahay nal iyo qaboojiye iyo biyo qasabad ka socda. Waxaa dhex yaalla qaboojiyaha biyaha iyo raashinka. Muddul kastaa wuxuu leeyahay beer yar oo aan oodneyn oo isaga u gaar ah iyo nambar cinwaan oo kale ah oo iridda hore ku dheggan.

Waa hotel ay Dowladdu leedahay, sida Hargeisa Club iyo kuwa Muqdisho ku yaalla ee Jubba, Shabeelle, Curuuba, Bulsho iyo Taleex. Dhammaantood waxaa maamusha Wasaaradda Dalxiiska.

Wafdiga Madaxweynaha badankiis ayaa deggan. Laakiin Madaxweynuhu wuxuu ku degay Aqalka Madaxtooyada oo aan naga fogeyn.

Markii aan degnay ayaan markiiba raadinnay saxaafadda Madaxweynaha. Iyaga iyo qaar ka mid ah xubnaha wafdiga Madaxweynaha oo hal muddul ku fiidsanaya ayaan u nimid. Qaarkood gudaha ayay ku jiraan qaarna waxay fadhiyaan deyradda. Halkii ayaan ku wada casheynay.

Markii aan si guud u sheekeysannay oo ay noo sheegeen in ay berri u ambabaxayaan Afmadow ayaan Cawke dibadda ula baxay. Waxaan ka sheekeysannay safarrada aan ku jirno iyo farsamada ugu habboon ee aan cod ugu diri karno Radio Muqdisho. Waxaan is xusuusinnay oo aan ku heshiinnay in berri laga billaabo aan adeegsannayo Fooneeyaha booliiska.

Booliisku waa hey’adda keliya ee degmo kasta oo dalka ah iyo weliba tuulooyinka qaarkood ay u taallo isgaarsiin isugu jirta fooneeye iyo midda ku shaqeysa Morse Code ee xuruufta iyo tirooyinka iyo calaamadaha loo rogo summado iyo shanqaro sida hoonka baabuurta ah.

Isgaarsiinta Booliiska Xarunteedu waa Taliska Ciidanka Booliiska oo ka soo horjeeda Radio Muqdisho. Weriyaha gobol jooga ee damca in uu cod diro wuxuu tagaa hadba Saldhigga Booliis ee ugu dhow. Farriin ayuu u dirayaa Taliska Ciidanka. Kaas oo isna telefoon ku wargelinaya Radio Muqdisho in uu soo dirsado farsama yaqaan codka ka duuba weriyaha.

Subixii xigay waxaan is-macsalaameynay Cawke iyo weriyayaashii kale ee ay wada socdeen. Wafdiga Madaxweynaha waxaan isbargarannay Dr. Gabboose oo aan isagana halkaas ku salaamay. Maxamed Cabdi Gabboose wuxuu berigii dambe noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

Waxaan u gudubnay Airporka. Waxaa soo degay Wasiirka Howlaha Guud, Muuse Rabbiile Good iyo Danjiraha Mareykanka, Frank Cringler oo hal dayaarad la socda. Waxaa kale oo soo degay Taliyaha Ciidanka Booliiska oo ay siddo dayaarad uu booliisku leeyahay oo isna u socda howl ka gooni ah safarka Madaxweynaha iyo Mashruuca Dekedda. Waxaa iyaduna markaa soo degtay dayaarad Somalia Airlines ah  oo ay la socdaan dad rakaab ah oo Xamar ka yimid.

Markiiba waxaan u dhaqaaqnay dekedda iyada oo Wasiirku horkacayo wafdiga laba geesoodka ah. Warbixinno la kala qaatay ka dib si rasmi ah ayaa xarigga looga jaray wejiga labaad ee dhismaha dekedda. Wasiirka iyo Danjiraha Mareykanka oo ay Dowladdiisu maalgelisay mashruuca ayaa wadajir xarigga uga jaray. Madaxda meesha mareysay waxaa ka mid ah Axmed Cadami, oo aan u maleynayo in uu ahaa Madaxa Dekedaha, wuxuu naga qaabbilay biilka Hoteelka. Wuxuu beri dambe noqday Wasiirka Difaaca Somaliland.

Halkaas waxaan uga gudubnay mashruuc kalluumeysi oo shaqadiisa iyo qaboojiyayaashiisaba ay Madaxdu kormeertay.

Annaga oo shaarar khafiif ah gashan, kuleyl la dhidideyna ayaa irdaha loo furay oo aan galnay qaboojiyaal lagu keydiyo kalluunka. Ma illoobo. Anigu markiiba dibadda ayaan uga soo baxay.

Cillad 


Galab gaabkii ayaan airporka ku laabannay si wafdiga aan u hubsanno in uu nabad ku dhoofo. Dayaaradda ugu hor kici lahayd waxay ahayd tan Taliyaha Booliiska Laakiin bateriga ayaa malahaa ka yara xumaaday oo markii duuliyuhu matoorka uu daar maagay ayay samaysay shanqar aan wanaagsaneyn.

Danjiraha Mareykanka ayaa Taliyaha ku yiri kaalay oo annaga nala raac dayaaradda. Danjiruhu wuxuusan u war heyn in aan dayaaraddiisa kursi ka bannaaneyn.

Markaa waxay noqotay diblomaasiyiintii Mareykanku in ay hoos isula hadlaan oo ay reebaan mid iyaga ka mid ah. Waa gabar Mareykan ah oo diblomaasi ah. Waxaa lagu yiri soo raac gaariga weriyayaasha.

Sidaas ayaan wafdiga ku sagootinnay. Damacneyna in aan Hoteelkeenni ku laabanno. Laakiin markiiba waxaa nagu dhashay su’aasha ah yaa gabadha ka bixinaya Hoteelka?

Qaar kale fekerkoodu hoteelka wuuba ka sii gudbay. Waxay leeyihiin haddii ay gabadhani nala socoto waxay naga jiireysaa farxadda iyo qosolka aan berri ku sii jidmari lahayn. Waxay nagu kallifeysaa ugu yaraan in mid ama ka badan naga mid ahi ay Ingiriis ugu sheekeeyaan. Mid kale wuxuu leeyahay anigu jawaan dhuxul ah ayaan rabaa in aan waddada ka iibsado ee gabadhani amay dood ka keentaa?

Ninkii Soomaaliga ahaa ee safaaradda ka socday ayaa yiri ka warrama haddii aan u jaro tikit Somali Airlines ah oo aan ku daro dayaaraddan hadda duuli rabta.

Waxaan ku heshiinnay in uu sidaa yeelo. Gabadhii halkaa ayaan iyadana ku sagootinnay.

Inteennii weriyayaasha ahayd oo ay na wehliyaan wadaha gaariga iyo ninka safaaradda ka socda ayaa ku laabannay hoteelka.

Waagu markii uu baryay ayaan tegey Saldhigga Booliiska oo aan Radio Muqdisho u diray warbixinta furitaanka dekedda.

Amaah


Markii aan damacnay in aan Muqdisho u amba baxno, wuxuu sarkaalkii safaaradda Mareykanku noo sheegay in aan u baahan nahay shidaal. Markii aan weydiinnay sababta wuxuu noo sheegay in lacagtii uu shidaalka ugu soo talo galay ay ahayd midda uu shalay ka bixiyay tikitkii dayaaradda ee Diplomaasiyadda Mareykanka. Lacagta uu hadda hayaana aanay ku filneyn shidaal.

Ragga qaar waxay soo jeediyaan in aan ciidanka ama Wakaaladda Dekedaha midkood weydiisanno shidaal.

Waxaa marinxumo u muuqatay in baabuur taariggo diblomaasiyadeed leh aan shidaal u weydiinno hey’ad Dowladdeenna ah.

Aniga ayaa talo keenay.  Ka dib markii aan weydiiyay lacagta shidaalka ka dhimman waxaan u sheegay in aan amaahin karo lacag ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd 1,500 oo shilin. Laakiin shuruuddu ay tahay in uu ii ballan qaado in uu lacagtaa ii soo celinayo. Markiiba wuu ballanqaaday, anna waan siiyay.

Waddada waxaan ku soo marnay sidii aan markii hore ku sii marnay iyo si ka farxad badan. Hadda wuu naga haray welwelkii shaqadu. Waxaan nahay niman u rawaxaya guryahooda. Waxaan baabuurka oo xawaareynaha ka dhegeysannay Raadiyihiisa Barnaamijka Bandhigga. Xubinta u horreysa waxaa ka hadlay Cawke oo ka soo warrramaya Afmadow. Xubinta labaad waa aniga oo ka soo waramaya Kismaayo.

Anigu ninka Soomaaliga ah ayaan lacagta amaahiyay, isaga ayaanna filayay in uu si shakhsi ah iigu keeni doono. Laakiin ma dhicin.

Maalintii aan Muqdisho ku soo noqonnay maalmihii xigay midkood, ayaa waxaa Wasaaradda timid mooto ay leedahay Safaaradda Mareykanku. Waxaa wata nin keeni jiray boostada ka timaada Safaaradda. Aniga ayaa la ii soo tilmaamay. 

Markii uu ii yimid wuxuu i guddoonsiiyay bakhshad kuwa safaaradda ah oo ay ku suntan tahay astaanta Mareykanku. Gudaha waxaa ku jira 1,500 oo Shilin iyo waraaq lacagta la’eg oo iyaduna sidata astaanta Mareykanka.

Waxaa ku qoran Mahadsanid oo af Ingiriis ah, Thank You.

Waxaan weriyayasha kula kaftamay in ay war iga qoraan maanta. Waxay i weydiiyeen warka la iga qorayaa waxa uu yahay.

Waxaan ku iri “Mareykanka ayaan lacag amaahiyay. Markhaatigeediina waa kan oo hadda ayuu amaahdii iska bixiyay, iigana mahad celiyay”. 

23 comments:

  1. Mahadsanid Mudane Yusuf Garaad Cumar...

    ReplyDelete
  2. Yuusuf Garaad,
    Aad baa kaaga mahad celinayaa
    Xusuustaada qiimaha leh, Ee aad had iyo jeer bulshada u soo gudbineyso.

    ReplyDelete
  3. Yusuf mudane wasiir mahad sanid sida aad xasuusahaga qaaliga ah noola wadaagtay waxaan ku waydiin laha ma jiraa buug aad kubqortay inta nolashaada jirtay xasuus qorkaaga iyo guud ahaan waxa aad hayso si aan kaaga faaidno mustaqbalka jiilalka kale, waxaan ka codsana inaadan wax Aad og tahay Qabriga nagala gali oo aad wax waliba oo dan inuugu jirto ama Taariikh ah aad inoo reebto

    ReplyDelete
  4. Danjire
    Safiirkaa ma kan hadda Americanku Kenya u jooga

    ReplyDelete
  5. Safar quruxdiis walee waad soo martay waa ilaahay mahadii adoo ku jiray saan isleeyahay da'aadayda ayaad fursad u heshay inaad dhulkadaa ku damaashaadid halkana anaga maalin badhkeed aan u bixi karin meelahaas iyo meelo kalaba lkn waxaan hubaa inaad iga murugo iyo gocosho badantahay oo wixi aad soo martay oo aad kuu dhibysa xusuustooda ayaad haystaa

    ReplyDelete
  6. Waa sheeko quruxbadan weligeedna tariikhda wey quruxsantahay haba kharaaraatee!

    ReplyDelete
  7. Mudane Yuusuf garaad aad baan u la socdaa qotmooyinkaaga

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  8. Mudane Yuusuf garaad aad baan u la socdaa qotmooyinkaaga

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  9. Mudane yuusuf garaad waa xasuus aad u wanaagsan adigana xasuus kuu ah dadka aan dowladii soo gaarina cashar u ah guud ahaan wax badan aa laga koror sadaa qormoo yinkaaga mahadsanid

    ReplyDelete
  10. Cajiib! Maxaad nolol qurux badan usoo joogtay!

    ReplyDelete
  11. Waa qoraal aan aad uga helay runtii, qaab qoraalka, farshaxanka iyo xasuusihii dowladnimada ayaa keenay inaan dhamaadka sheekada imaado anigoo sii raba inay sii socoto. Mahadsanid rugcadaa Yuusuf Garaad.

    ReplyDelete
  12. Yuusuf horta mahadsanid, marka xiga sheekada waan akhrinayay haddana waxaad mooddaa inaan muuqaal ahaan daawanayo, markaan dhammeeyay sheekada, waxaan doorbiday "Alla maxay u dheeraan weyday, yaase Yuusuf ku dhaha waaya aragnimadaadii hore waxay leedahay sheekooyin macaan ee sidii qormo sitimaanle ah mid kusoo tuur page-ka".

    Mahadsanid mudane wasiir👌🙋🏽‍♂️

    ReplyDelete
  13. Xusuusbaa geel laguxergeeyaa Yusufow waayo waayo xusuusbadanaa oo sheekada iyo dhulka aad kasheekaynaysaa macanaa oo quruxbadnaa tolow maan arkaa masidii filinbaan udaawanayaa? mooji wax unbaa ileh waad aragtaa Allow kudaa oo dalka dawladnoosii nabadna noogadhig

    ReplyDelete
  14. Nin sheeko sawiro yaqaan baa tahay. Aniga Iyo inta ila da'daa, xasuusaha aanan maankeena ka go'in waxay u badanyihiin dhimasho Iyo hub wayn oo noo badalay Heeesihii gaariga Indin kaga daarnaa.

    ReplyDelete
  15. Adbaa umahadsanthy mudane ex wasiir qormoyinkaga aadka uwacan

    ReplyDelete
  16. Ilaaahaw dalkeena nabadaas nagu soo celi madax iyo ajanabi ba si nabad ah ay ugu safran gayiga soomaaliya 😍😍😍

    ReplyDelete
  17. Maalin iyo hamayn Waxaan is waydiiya goor maad aqrisandoonta sooyaalkii dowladnimo ee Somalia. Yuusuf garaadna waa kamid dadka aan kasugayno ee Yuusufow inaa book ka qorto isku day. Cimriga iyo caafimaadka allaah kusiyaadiyo

    ReplyDelete
  18. Aad baan kaaga Mahad celinayaa Mudane Danjire Xusuustaada Aad Nala wadaagtay
    Allah dalkeena Nabad hanooga dhigo

    ReplyDelete
  19. Aad baa ugu mahadsan tahay sheekada Quruxda badan eed Nala wadagtay, allaha dib noogu celiyo waqtigaa oo kale xiiso baa ku aqristay, stay at home my people

    ReplyDelete