Total Pageviews

Sunday 19 March 2017

Doodihii JUS - Dhoollatuska Jawiil - Qeybta Tobnaad

Waa qeybta Tobnaad uguna dambeysa taxanaha Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

         ***
Dhuusa Marreeb iyo nawaaxigeeda markii aan ka soo dhammaannay waxaan u soo gudubnay Beled Weyne.

Xilli barqo ah ayaan u baxnay Jawiil oo ay dadka qaar u yaqaannaan kala bayr.   Jawiil waa halka ay waddada Beled Weyne ka baxdaa ay ku kala leexato oo midina ay u gudubto Feerfeer iyo Ethiopia midda kalena ay aaddo Gobollada Dhexe iyo kuwa woqooyi iyo Bari ee Soomaaliya.  Waana magaalada ay ka billaabatay waddada Soomaaliya ugu dheer ee abid laami la saaray. Waa waddada isku xirta Jawiil iyo Burco. Waxaa waddadaas dhistay oo Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Shiinaha.

Banka Jawiil ayay ciidanku ku dhigeen Dhoollatuskii ugu weynaa ee aan aragnay usbuucii aan la joognay.  Hub kasta oo uu haysto ciidanka qeybta 21aad ayaa horteenna lagu adeegsaday iyada oo madaafiicda Goobta, Taanigiyada, baabuurta qafilan ee ciidanka qaadda iyo ciidanka lugtu ay dhammaantood kaalimahooda buuxinayaan.  

Badankeen waxaan saarnayn baabuur jiib ah iyo Baabuurta waaweyn ee militeriga.  Waxaan raacay jeeb dusha ka furan.  Waxaan nasiib u lahaa in uu ahaa gaariga Taliyaha dabridka dalbanayay.  Xagga dambe ayaan tartiib u soconnaa iyada oo Taliyuhu arag iyo Radio uu adeegsanayo ayuu gaariga dushiisa ka bixinayaa awaamirta.  Inkasta oo uu af Soomaali ku hadlayo waa ay adag tahay qof aan ciidankiisa ahayni in ay af garato.

Jawiil waa halka aan ku maqlay hubkii ugu cuslaa oo ay dhegeyheyga ku soo dhaca isaga oo laga ridayo meel aan aad iiga fogeyn.  Allah mahaddii waxay noqotay markii dhegeheyga ugu dambeysay marka laga reebo 1990 galab aniga oo jooga Borame la riday qori la iigu sheegay in uu yahay lidka dayaaradaha nooca 37 mm.  Wuxuu ahaa baaq ay shacabka magaaladu isla yaqaan micnihiisa.   isla sannadkaas magaalada Burco mar ciidan ka goostay Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidan iyaga eryaday uu dagaal ku dhex maray meel magaalada ka baxsan ayaan hugunka madaafiicda maqleynay annaga oo magaalada ku sugan.

Dhoolatuska Jawiil markii uu dhammaaday ayaa sidii Balanbal uu Taliyaha Gaasku na siiyay warbixin. Waxaan filayaa in Taliyaha Gaaska Beled Weyne oo ka tirsanaa Qeybta 21aad uu ahaa General Maxamed Aden oo markii dambe noqday Taliyaha Qeybta 21aad .  General Maxamed Aden hadda waa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Burdhiinle iyo Luuq Jeelow

Dhoolatuska Jawiil ka dib, waxaan tagnay Burdhiinle oo ah Buur dhagax ah oo uu webiga Shabeelle hoos maro oo xadka saaran.  Ciidan halkaas difaac uga jira ayaan la kulannay.

Usbuuc ayaan ku jirnay daawashada dabrid, dhoollatus iyo xogwarran Qeybta 21aad  ee Dhuusa Marreeb iyo saddexda Gaas ee hoos yimaada. Waa Gaaska Gelinsoor, Gaaska Balanbal iyo Gaaska Beled Weyne.  Wax badan ayaan xog ogaal u noqonnay.  Waan ku dal iyo dad barannay. 

Inta aynaan safarkeenna soo geba-gebeyn, waxaa tagnay xerada Qaxootiga Luuq Jeelow oo ku ag taalla Beled Weyne.  Waxaan indhaheenna ku soo aragnay xaaladda Qaxootiga ka yimid  Ethiopia ee ku sugan xerada.

Ugu dambeyntii waxaa na soo macsalaameeyay Taliyaha Qeybta 21aad, General Morgan iyo saraakiisha qeybta.

Waxay naga kasbadeen in aan u qirno howsha adag ee ay hayaan iyo sida ay ugu diyaarsanaayeen daafaca dalka, waa sida ay annaga noogu muuqatay.

Waxaa kale oo aan aad uga mahadcelinnay soo dhoweynta iyo xogta ay nala wadaageen.

Qormadan markii aan diyaarinayay 2016 ayaa aniga oo jooga New York aan email kula xiriiray General Morgan oo markaa ku sugnaa Garowe.  Dhowr su’aalood ayaan weydiiyay oo ku saabsan barnaamijkii uu horseedka ka ahaa ee Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.

Ujeeddada uu ka lahaa wuxuu mar kale iigu fasiray in isaga iyo saraakiil ay isku ra’yi yihiin ay u arkayeen in Qalinku uu hoggaamiyo Siyaasadda, Qoriguna uu yahay midka daafaca qalinka.  Sidaa darteed aanay kala maarmin ee ay tahay in ay iskaashadaan.

Wuxuu ii sheegay in markii uu ra’yigani curtay uu ka ansixiyay Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo General Maxamed Cali Samatar.

Saxan, saxan ku gud


Muddo ka dib, waxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku martiqaadday saraakiisha Qeybta 21aad in ay toddobaad u soo martiyaan Jaamacadda.

General Morgan ayaa hoggaaminayay saraakiisha noogu yimid Xarunta Kulliyadaha Gahayr ee Muqdisho ayaga oo ka jawaabamaya Martiqaadka Jaamacadda.

Guryaha ardayda Gahayr ayaan dejinnay saraakiisha. Raashin waxaan ka siinnay makhaayadda ay ardaydu ka cunto. 

Maaddaama aan markaas ahaa Guddoomiyaha Ardayda Kulliyadaha Gahayr, aniga ayaa mas’uul ka ahaa dejinta iyo ka warqabka hoyga saraakiisha.

Waxaan maalinba mid geynay ugana warrannay Kulliyadaha Jaamacadda iyo muhiimadda ay mid kastaa dalka ugu fadhido.


DHAMMAAD


3 comments:

  1. mudane waxaan akhristay tobonkaba wax badanna waan ka faaiday aad baan kaaga mahadcelinayaa

    ReplyDelete
  2. mudane waxaan akhristay tobonkaba wax badanna waan ka faaiday aad baan kaaga mahadcelinayaa

    ReplyDelete
  3. mudane waxaan akhristay tobonkaba wax badanna waan ka faaiday aad baan kaaga mahadcelinayaa

    ReplyDelete