Total Pageviews

Wednesday 15 March 2017

Doodihii JUS Qeybta Lixaad - Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga

General Morgan oo ka mid ahaa saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ahaa nin uu Madaxweynuhu soddog u yahay, ahaana nin bulshaawi ah ayaa noqday Sarreeye Guuto, ka dibna Taliyaha Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ahayd labada qeybood ee Ciidanka Soomaaliya ugu xoogga badneyd middood. 

Taliska qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ahaa magaalada Dhuusamarreeb laakiin ciidankeedu wuxuu fariisimo ku lahaa Mudug, Galguduud iyo Hiiraan siiba Beled Weyne iyo Buulo Burte.

Habeen ayuu General Morgan ka mid ahaa Madax ka soo qeyb gashay dood ka dhacaysay xarunta Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Si ba’an ayaa su’aalo loogu weeraray la xiriira miisaaniyadda ciidanka oo loo arkayay in ay faraha ka badatay, eedeymo ku saabsan xadgudub lagula kacay dad reer guuraa ah iyo arrimo amniga la xiriira iyo qaar kale.

General Morgan wuxuu goostay in uu Macallimiin iyo arday Jaamacadda ka tirsan iyo aqoonyahanno kale uu ku martiqaado aagga uu ciidankiisu uga jiro difaaca dalka si ay u kororsadaan xog-ogaalnimo la xiriirta howsha iyo xaaladda ciidanka.

Allah ha u naxariistee Prof. Abyan oo horkacaya aqoonyahanno isugu jira Macallimiin iyo arday ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo tiradoodu ay kontameeyo tahay ayaa u ambabaxay xarunta Qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah magaalada Dhuusa-Marreeb.

Prof Abyan wuxuu ahaa madaxa Machadka SIDAM ee horumarinta maamulka iyo maareynta. Dhallinyaro badan oo bartaan akhrineysa waxay yaqaannaan Machadka SIMAD oo la sameeyay intii burburku jiray, ka dibna isu rogay Jaamacad.

Laakiin hore waxaa dalka uga jiray machad caan ah oo la yiraahdo SIDAM oo shaqaalaha Dowladda loogu tababbaro Maamulka iyo Maareynta iyo afafka qalaad isla markaasna laga qaato shahaaddada Koowaad ee Jaamacadda iyo MBA. Waxayna isku sidkanaayeen Jaamacad Mareykan ah.

Abyan wuxuu ahaa nin aqoonta iyo akhriska ku fogaaday. Wuxuu ahaa madax aan u hoggaansamin habmaamuuska ay Madaxdu isula dhaqanto. Ma aqoon qab weyni.  Dadka badankiisna waxay uga talo galaan nin Filasoof ah oo aan dooneyn amaba aan ka warqabin xanta siyaasadda, baqdinta iyo istuska madaxda sare.

Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo wafdiga uu kaxeeyay Prof Abyan, aniga oo ka mid ah soddomeeyo arday oo Jaamacadda laga soo xulay.

Annaga oo wadanna dhowr gaari oo midkood uu yahay Bas weyn oo ay Jaamacaddu lahayd ayaan barqadii ka baxnay Muqdisho. Beled Weyne markii aan gaarnay waxaa na raacay ciidan na gelbinaya. Dhuusa Marreeb inta aynaan gaarin waxaa naga hor yimid ciidan kale, sidaa ayaa ayada oo nala gelbinayo waxaa nala geeyay Taliska Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo soo dhoweyn weyn ay nagu sugeyso.


Waxaa nala dejiyay xarunta saraakiisha ciidanka qeybta 21aad waxaanna ku miis noqonnay Saraakiisha.

Barnaamijkaan oo aan soo koobi doono wuxuu ahaa socdaal loo bixiyay magaca cinwaanka qoormadan ka muuqda - Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.

Qormada tan xigta waxaan ku soo qaadan doonaa waxa aan kala kulannay ciidanka iyo Taliyahiisii, General Maxamed Siciid Xersi Morgan oo biyadhaca dooddiisu ay ahayd in uu Qalinku hoggaamiyo Siyaasadda, qoriguna uu daafaco Qalinka.

No comments:

Post a Comment