Total Pageviews

Thursday 16 March 2017

Doodihii JUS - Qeybta Siddeedaad - Laan Waaleey

Taallada Daljirka Dahsoon, Muqdisho
Annaga oo ka kooban Macallimiin iyo Arday ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo u marti ah Taliska  21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa subax naloo qaaday Laan Waaleey oo ah meel dhinaca soohdinta uga beegan magaalada Gaalkacyo.

Waa dhul dhagax ah.  Aad u cabsi badan. Baabuurta meel fog ayaan uga soo degnay. Dhufeys ayaan galnay ah sida dhabbe si aan safarkeenna u sii wadanno annaga oo lugeyneyna.  Dhufeyska gabbaadka ah marka aad mareyso madaxaaga oo keliya ayaa muuqda haddii aad gaaban tahayna laguumaba jeedo.

Waxaan u tagnay ciidan uu madax u yahay Carrabeey nin la yiraahdo.  Wuxuu ahaa nin aad loo ammaanay dagaal-aqoonta iyo geesinnimadiisa.  Laakiin markii uu su’aalaha ka jawaabayay iyo xataa markii uu saraakiisha ka sarreysa la hadlayay aan la yaabay anshaxiisa ciidan sida uu iila liitay. Hadallo adadag, qaarkood qallafsan yihiin amaba qadaf la dhihi karo ayuu siduu doono u tuurayay. Waxaan iska qiyaasay in xeradii Xalane ee nalaku soo tababbaray ee Macallin iyo Taliye kaliya la adeegsan karay ay ka duwan tahay goobtan oo iyadu ah xaalad dagaal.

Waxay noo tilmaameen oo aan u jeednay goobta ay ku jiraan ciidan Ethiopian ah oo ay is hor fadhiyeen. Waxay na tuseen taangi gubtay oo labada ciidan dhex yaalla. Waxay noo sheegeen maalintii taangigaa la gubay oo dhowr sano laga joogo ilaa iyo hadda in aanay jirin labada dhinac mid dul istaagay ama dul istaagi kara.

Ma jecli in aan barteyda qabiil ku xuso, laakiin waxay ila tahay in ay waajib tahay in aan sheego askari madaxeyga ka go'i waayay.  Wuxuu ku jiray godka ugu horreeya.  Waxaa naloo sheegay dhowr sano in uu godkaas difaac uga jiray oo jiif iyo shaqaba uu godkaasi u ahaa.  Daljirahaasi wuxuu ahaa Soomaalida ay dadka qaar ku aflagaaddoodaan ee Jareer Weyne.

Asikarigaas iyo kuwa la midka ah, ee Soomaalida kale ee iyagu howlmaalmeedkooda ku mashquulsan, cid ka warheysa ama u ogina aanay jirin, ayagu ku jira khatar maalin iyo habeenba si ay inta kale u daafacaan ayaan u aqaan Daljirka Dahsoon.

No comments:

Post a Comment