Total Pageviews

Saturday 11 March 2017

Horta Farbaro

London kama fili kartid in aad rajeyso in aad u shaqeyso Dowladda UK adiga oo aan af Ingiriis qori aqoon akhrinna karin.  

Dal waliba waa sidaas oo kale marka ay timaaddo Afka rasmiga ah ee Dowladda.

Maxaa ka duwaya Soomaaliya?  Qof aan Soomaali qorin, akhrinna karin, isku dayeyn in uu barto, lana gabbaneyn, sidee ugu riyoon karaa in uu ka mid noqdo shaqaalaha Dowladda? 

Ma adka barashadiisu haddii aad ku kalsoon tahay afkaaga hooyo.  Xataa haddii aadan ku kalsooneyn ee aad shaqo doon tahay ogow in ay shuruudaha shaqada Dowladda ka mid tahay.  

Waa laga yaabaa shakhsiyaad aan imtixaan far Soomaali ah ku guuleysteen in ay hadda Dowladda u shaqeeyaan.  Laakiin sax ma ahan mana sii socon doonto, maaddaama loo baahan yahay af ay hey'adaha Dowladda oo dhami ay isku afgartaan.

Baro akhriska iyo qorista Soomaaliga.

Inta aan la gaarin eraybixinta maamulka iyo xafiisyada loo adeegsado, bal horta billow barashada qorista Soomaaliga.


Marka aad barato sida Soomaaliga loo qoro, waxaad Soomaaligaaga ku tijaabin kartaa baraha Saxaafadda bulshada sida Facebook.

Barashada Soomaaligu waa mid saameyn ku leh oo waxna ka tareysa sida maskaxiyan looga xoroobi lahaa dhaqanka sameysmay xilligii burburka looguna gudbi lahaa ku kalsoonaanta in aan nahay Qaran madaxbannaan.

Dowladnimada Soomaaliya waa ay ka weyn tahay in hey'ad ama Dowlad shisheeye loo qoro email ama shir lagala qeyb galo.

Hadda ka hor waxaan arkay Madaxweyne iyo Ra'iisal Wasaare dalka soo maray waraaq iyo jawaabteed ay isu qoreen intii ay xilka hayeen.  Waraaqahaasi waxay ku qornaayeen af qalaad.

Madaxda dalka waajib ayaa ka saaran xaqiijinta in maamulka Dowladda loo adeegsado Soomaali.

F. G. Sawirka ay warbixintani wadato waa mid ka duwan kii aan markii hore daabacay. Waan beddelay sawirkii hore ka dib markii aan u arkay in uu hareeyay dulucda warbixinta.

No comments:

Post a Comment