Total Pageviews

Friday 9 June 2017

Kulammadeyda Maanta ee Nairobi

Midowga Yurub

Maanta waxaan qaddar saacad ah Nairobi kulan kula qaatay Danjirayaasha dalalka ka tirsan Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabbilsan Afrikada Bari.

Waxaan kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, nidaamka cusub ee shaqo iyo waxqabad ee ay Dowladdu soo rogtay.

Inkasta oo ay waxoogaa sare u qaadeen qaabka ay ula macaamili jireen Dowladda Soomaaliya waxaan haddana xusay in ay Dowladdu dalbeyso isbeddel intaa ka badani in uu ka muuqdo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladaha ku bahoobay Midowga Yurub iyo weliba Midowga Yurub uuna soo saaro horumar la taaban karo oo tayo leh.

Waxaan xusay in biseyl siyaasadeed oo ka muuqdo shacabka Soomaaliyeed marka la eego doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo soo dhoweeyay.  Sidoo kale in Baarlamaanku uu cod aan kala har lahayn ku taageeray Ra'iisal Wasaare Xasan Kheyre.

Waxaa kale oo aan xusay nooca xukuumadda oo u badan aqoon yahanno xirfadlayaal ah, ka madaxbannaan kooxeysi siyaasadeed, ayna ku jiraan tirada haweenka ah ee ugu badan.

Waxaan xusay iskaashiga iyo midnimada xoogeysatay ee Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii waxaan xusay in ay Dowladdu diyaar u tahay la xisaabtanka ka yimaada Dowlad ama Ururkii toos ula macaamila Dowladda Soomaaliya iyo hey'adaheeda kala duwan.

Waxaan xusay in howlahaasi ay u baahan yihiin in la garto lana taageero.  

Aakhirka waxaan xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaran, ayna ku soo dhoweyneyso Danjiyarayaashu in ay ka faa'iideystaan iyaga oo dhowraya Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadda ee 1961 oo qoraya in Safaarad kastaa ay la shaqeyso ama ay u sii marto shaqadeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ay martida u tahay.

Jawaabaha su'aalo dhinacyo badan la iga weydiiyay ka dib, wadahadalku wuxuu ku dhammaaday jawi saaxiibtinnimo.

Waxaan ku faraxsan ahay in Danjirayaasha U. K. iyo Danjiraha Talyaanigu inkasta oo ay shirka ka qeyb galeen haddana aanay qolka nala fadhin.  Iyaga oo jooga Muqdisho ayay shirka uga qeyb qaateen hab maqal iyo muuqaal ah oo video lagu soo xiriiriyay.

India

Intaa ka dib waxaan la gooni ula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan Soomaaliya, Suchitra Durai oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee soo jireenka ah, iskaashiga labada Dowladood oo heer billow ah taagan, korna u sii socda.

Waxaan uga mahadceliyay ciidanka India ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta Soomaaliya sagaashamaadkii iyaga oo ka tirsan Qarammada Midoobay.

Waxay iiga warbixisay xaaladda Maxaabbiista Soomaaliyeed iyo sidii gacanta Dowladda looga soo wareejin lahaa.  Arrintaas oo intii hore ka soo dhowaatay maaddaama ay Golaha Wasiirrada ee India ay aqbaleen heshiis ay kala saxiixan doonaan labada Dowladood oo Maxaabbiista la isugu celinayo.  

Waxaan u sheegay sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay.  Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.

Waxaan aakhirkii kala qaadannay howsha labada Dowladood ay mid waliba gaarkeeda u soo sameyn doonto.

Norway

Waxaan fadhi wadaqaadannay Danjiraha Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Victor Ronnenberg, oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo Ku Xigeenkiisa, Vebjørn Heines, waxaanan iska wareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dib u heshiintu.  Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay Oslo Forum oo aan toddobaadka soo socda aan ka qeyb geli doono.

ICRC

Mas’uul ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ICRC ayaan ka dib kulannay oo aan ka wadahadalnay xaaladda dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Yemen oo dhowaan la aasay oo uu warbixin iga siiyay. Sidoo kale waxaan ka wadahadalnay liiska dadka meydkooda la aasay iyo qabriga mid kasta in lagu sunto magaciisa.

ICRC waxaa kale oo aan markii labaad isla soo qaadnay Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal kala duwan iyo in ay ICRC na soo wargeliso mar kasta oo ay ka warhesho maxbuus Soomaaliyeed ee dal shisheeye ku xiran.

US iyo UN

Si aan ballan ahayn waxaan iyagana wadajir isu aragnay Danjiraha Mareykanka ee Muqdisho, Stephen Schwartz iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Michael Keating oo aan erayo kooban is weydaarsannay.

Kulammada waxaa badankood goobjoog ka ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Cali Maxamed Shiikh kulanka Norway waxaa isaga goob joog ka ahaa Mustaqiim Wayd oo ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.

No comments:

Post a Comment