Total Pageviews

Wednesday 7 June 2017

Mowqifka Soomaaliya ee Khilaafka Diblomaasiyadeed ee dalal Carab ah

WAA WAR SAXAAFADEED oo ay soo saartay Dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey ka xun tahay kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

No comments:

Post a Comment