Total Pageviews

Wednesday 21 June 2017

Socdaalkeyga Ankara


Xalay waxaan u hoyday Ankara, caasimadda Turkiga.  Caawa ayaan ka amba baxay.

Inta aan joogay Ankara waxaan midba kulan gooni ah la qaatay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Yıldız.

Saacad ka dibna waxaan la kulmay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Veysi Kaynak.

Labada mas’uul waxaan ka wadahadalnay xiriirka wanaagsan ee Istaraateejiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo sida aan sare ugu sii qaadi karno. Arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ah mashaariicda horumarinta ee Turkiga iyo xerada casriga ah ee tababbarka saraakiisha oo laga dhisay aagga Jazeera dhowaanna si rasmi ah loo furi doono.

Waxaa kale oo aan isla soo qaadnay sidii aan wadajir daraasad ugu sameyn lahayn iskaashi dhinacyo hor leh sida ganacsiga iyo isugudbinta teknooliyada warshadaha yaryar.


Mas’uuliyiinta Turkiga waxaan la soo qaaday xaaladda ardeyda Soomaaliyeed ee ay keentay kooxdii dalkan laga mamnuucay afgembigii dhicisoobay awgiis.

Kulammada aan la qaatay mas’uuliyiinta Turkiga waxaa dhammaantood goobjoog ka ahaa sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Suleymaan Kaarshe.

Intaa ka dib waxaan booqday safaaradda Soomaaliya ee Ankara, halkaas oo aan kulan wadajir ah iyo qaar kooban oo gooni gooni ah aan ku qaadannay Diblimaasiyiinta iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo uu horkacayo sii hayaha Safaaradda, Suleymaan Kaarshe.

Waxaan ku bogaadiyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaraddu howsha wanaagsan ee ay dalka u hayaan iyo in ay dhowraan sumcadda iyo karaamada Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya inta aan galabta joogay waxaan la kulmay qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo safaaradda u soo doontay adeegga oo ay ka mid yihiin arday waxbarasho u jooga Turkiga oo aan qaarkood ka dhegeystay adeegyo ay uga baahan yihiin Safaaraddooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu wuxuu hadda booqasho ugu maqan yahay dalka Japan.

Inta aan joogay Ankara waxay mas’uuliyiinta Turkigu qowl ahaan iyo ficil ahaanba ii muujiyeen qaddarinta ay u hayaan Qaranka Soomaaliya taas oo aan si weyn uga mahadceliyay.


Markii aan caawa ka amba baxayay Ankara, waxaa garoonka igu sagootiyay Duqa Magaalada Ankara oo uu ku xigeenkiisu shalay i soo dhoweeyay sida ka muuqata sawirka calammada sita.

No comments:

Post a Comment