Total Pageviews

Wednesday 5 July 2017

Shir-Madaxeedka Midowga Afrika iyo Shir-Doceedyo

Shirka Golaha Wasiirrada IGAD oo aan uga qeyb galay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa uu ahaa shir-doceed dhinac socday laba maalmood oo shirka Golaha Wasiirrada dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ay ku lahaayeen Xarunta Midowga.

Wuxuu shirka Afrika u gogol xaaray shir-Madaxeed laba maalmood u socday Midowga Afrika oo uu Soomaaliya matalayay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayna ka mid ahaayeen Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka.

Shirar-doceedyo sida maaratoonka aan kala go’ lahayn ayaan la qaadannay qaar badan oo ka mid ah Madaxda shirka ka qeyb gashay.

In kooban haddii aan xuso, Madaxweynaha Djibouti, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Madaxweyne ku Xigeenka Seychelles, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kenya, Djibouti, Ethiopia, Masar, Mauritius iyo Libya ayaa ka mid ahaa Madaxda aan uga warbixinnay marxaladda uu dalkeennu soo gaaray, yoolka aan higsaneyno iyo iskaashiga ka dhaxeeya ama ka dhexeyn kara Soomaaliya iyo dalalkooda.  Madax kale oo badan siyaabo kooban ayaan isugu aragnay miis qado, mid casho ama xilliga birifta iyagana waan u warbixinnay waxaana ka mid ah Madaxweynaha Rwanda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Nigeria iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tanzania.

Waxaan si gooni ah uga wadahadalnay arrinta maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalka qaarkood ku xiran sida Seychelles, Ethiopia iyo Libya.

Waxaa kale oo aan wadahadal la yeelannay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga oo socdaal ku tegey Addis Ababa annaga oo isla soo qaadnay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labadeenna dal iyo arrimaha hadda ka taagan mandaqadda.

Madaxa Bankiga Afrika iyo Madax ka tirsan Midowga Afrika ayaan iyagana yeelannay wadahadal ku saabsan amniga iyo horumarinta dalka.

Xildhibaanno labada aqal ayaa nagu wehliyay kulammada qaar, kuwaas oo aan saaka markii aan ka soo toosnay Addis Ababa aan yeelannay kulan is-xog-wareysi ah oo ku dhammaaday is faham iyo in la iska kaashado howsha baaxadda weyn ee ku wajahan soo celinta iyo kor-u-qaadidda sharafta iyo karaamada ay Soomaaliya ku leedahay caalamka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo si wanaagsan u shaqeeyay saacado badan ayaa lahaa qabanqaadabada dhammaan kulammada aan ka qeyb galnay.  Howlwadeennada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa iyaguna qeyb weyn ku geystay howlaha Addis Ababa nooga qabsoomay iyo diyaarinta daba-galkooda.

Intaa ka dib waxaan saaka Addis Ababa kulan kula qaadannay wakiillo ka socda ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Ethiopia oo Ra’iisal Wasaaraha uga warramay xaaladdooda,  una muujiyay taageero Xukuumadda uu horseedka ka yahay, isaguna uu ku baraarujiyay in ay iyagu yihiin mustaqbalka Soomaaliya.


Galabta markii aan nimid Muqdisho, waxaan Ra’iisal Wasaaraha iyo aniguba ka qeyb galnay shir uu Madaxweynuhu guddoominayay oo ay ka qey galeen mas’uuliyiin Qaran.

No comments:

Post a Comment