Total Pageviews

Tuesday 5 December 2017

Faahfaahin Howlgalka Midowga Yurub ee Geeska Afrika oo qabtay 6 Soomaali ah

Intii aan joogay Seychelles, waxaa la ii qabanqaabiyay in aan dushiisa tago markab dagaal oo uu Talyaanigu leeyahay oo ka tirsan Howlgalka Atlanta ee ciidammo badeed oo Midowga Yurub ay Badweynta India kaga ilaaliyaan burcad badeedda.

Markabka, oo magaciisa la yiraahdo FASAN waa markab dagaal.  Magaalada Victoria oo Jaziiradda Mahe ee oo ka mid ah 150 Jaziiradood oo uu ka kooban yahay dalka Seychelles ayaan ka raacnay dayaarad militeri oo kuwa qummaatiga u kaca ah.  Tobaneeyo daqiiqo ka dib waxay dul degtay markabka VIRGINIO FASAN.

Markabka waxaa la socda ciidan ka socda dalal kala duwan oo Yurub ah iyo askari ka soo jeeda dalka Djibouti si uu uga tarjumo haddii la qabto burcad badeed af Soomaali ku hadlaya.

Waxay nooga warrameen sida ay uga howlgalaan Badweynta India ayaga oo baadigoobaya burcad-badeed.  Waxay noo fasireen markaabta kale iyo weliba dayaarado iyaguna howlgalka ka mid ah oo qaarna Djibouti joogo qaarna ay badda ku jiraan.

Lix Soomaali ah oo ku eedeysan fal burcad-badeed









Isu geyn waxaa muuqata sida ciidammada howlgalka Atlanta ay u feejigan yihiin, u hubeysan yihiin uguna qalbeysan yihiin gaadiid cir, mid badeed iyo qalab isgaarsiineed oo casri ah, taas oo ay uga adag yihiin kooxdii isku dayda in ay weerarto markab maraya badda Soomaaliya ama badweynta ku beegan Soomaaliya.

Sawirrada aan soo bandhigay waxaa ka mid ah lix eedeysane oo aan la kulmay iyaga oo Seychelles la geeyay afar maalmood hortood. Wejiyadooda lama garan karo maaddaama ay yihiin eedeysanayaal oo aan dembi lagu helay jirin ilaa iyo hadda.

Qabashadooda waxaa loo adeegsaday Helicopter, dayaarad sahan ah, doon dheereysa hubeysanna iyo markab dagaal.

Wiilasha Soomaaliyeed oo aan wadajir iyo mid midba ula kulmay, ugu yaraan laba ka mid ah ayaa igu ooyay.

Waxay ila noqotay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga yaabo in ay ku hamminayaan in ay fal dembiyeed ka geystaan badda Soomaaliya, waaba haddii ay weli jiraana aan ugu digo in ay ka waantoobaan in ay khatar geliyaan naftooda ama xataa haddii ay naftoodu u badbaaddo ay xorriyaddooda.

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah sawirro ay qaadeen kooxdii aan isla soconnay iyo sawirro ciidanka Atlanta ay qaadeen oo muujinaya socdaalkeyga iyo weliba wiilal Soomaaliyeed oo lix ah oo bishii hore laga soo qabtay ku aadka badda Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu tuhmay in ay yihiin burcad-badeed laakiin aan weli la saarin Maxkamad.


Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa wiilashaas Soomaaliyeed oo la qabtay bishii hore aakhirkeedii sidii ay ugu qaban lahayd Qareen isla markaasna uu Diblomaasi Soomaaliyeed goob joog uga ahaan lahaa dacwadda.


No comments:

Post a Comment